|

War Deg Deg ah:-Wargayska Hubaal ee Hargaysa ka soo baxa oo Xayiraad buuxda lagu soo rogay

Hargaysa 11.June (SDN) Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa Maanta Xayiraad ku soo rogtay Wargayska Hubaal ee Ka Soo baxa Caasimada Hargaysa.

Amarkan Xayiraada ee Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex soo saartay oo uu ku Saxeexan Yahay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Faysal C.laahi Ismaaciil ayaa Ujeedada Xayiraada Wargayska Hubaal lagu sheegay  dalab uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku u Gudbiyay Maxkamada .

Qoraalka Maxkamadu soo saartay ayaa lagu amray in Wargayska Hubaal aanu dalka ka soo bixi Karin,Laguna Daabici Karin dhamaan Madbacadaha dalka ku yaala, ilaa Amar danbe ka soo baxayo Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex waxay Maxkamadu  uga digtay Cidii lagu qabto iyadoo daabacaysa Wargayskaas in la hor gayn doono Sharciga .

Geesta Kale Mas’uuliyiinta Wargayska Hubaal ayaan ka hadal Qadiyada Sababtay in albaabada loo laabo Shaqo Maalmeedkii Wargayskan iyadoo aanay noo suuro galin inay naga Qabtaan Telefoonadooda Gacanta .

Sidoo kale Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Hay’adihiisa amaanka ayaa ilaa iminka aan Wax war ah ka Soo Saarin Weerarkii lagu qaaday Wargayska Hubaal kaas oo ay ku Guulaysteen inay Gacanta ku dhigaan Mid ka Mid ah Labada Nin ee Shirqoolka dhagaraysan ku soo qaaday Xarunta Wargayska kaas oo ay Markii danbe u gacan galiyeen Ciidanka Booliska.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed