|

Wareysi Uu Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Kaga Hadlay Maalgelinta Dekedda Berbera Iyo Arrimo kale

Jabuuti 17. April 2017 (SDN/QJ):- In muddo ah aniga oo aan arag Wareysi laga qaaday Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaan dhawaan oo ay taariikhdu ahayd 11 APRIL, 2017 . arkay mid ahaa Wareysi dheer.

Waxaana wareysiga la yeeshay suxufi ka tirsan TESFANEWS, isla-markaana waxa baahisay warbaahintooda Tesfanews.net.

Waraysigaa oo laba qaybood laga dhigay. labadaba waxa aan fursad u helay in aan akhristo.

Haddii aan si kooban aan u sheego. waa markii ugu horraysay xukuumadda jabuuti si cad u soo bandhigto, dareenkeeda ku aadan maal-galinta dekedda Berbera iyo casriyeynta la filayo inay DP World ku samayso.

wareysigan markii aan akhristay, waxa iiga baxay inuu yahay wareysi uu nuxurkiisu ahaa in Qorsheyaashii Dawladda Jabuuti ama dagaalkoodii ka dhanka ahaa Hirgelinta heshiiska Somaliland la gashey shirkadda DP World uu ka fashilmay.

Iyadoo Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta si rasmi ah u kala saxeexdeen heshiiskaasi ku saabsan dekedda Berbera, Ujeeddada heshiiskaasi ayaa ahaa dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekedda caalamiga ah ee Magaalada Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida ah dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay In Berberi aanay Suuqa Itoobiya Ka Saari Karin Dekedda Jabuuti, awoodna u lahayn.

Haddaba su’aalaha uu weriyuhu Madaxweynaha Dowladda Jabuuti waydiiyey badankoodu waa kuwo jawaabahoodu ay sii caddaayeen oo marka hore-ba mowqifka Madaxweynaha Geellaha Jabuutina waafaqsanaa, In Dawladda Djibouti ay ku Hawlan tahay  Fashilinta Heshiiska Maal-gashiga Dekedda Berbera iyo waxkasta oo Horumar ku saabsan-ba. Laakiin su’aashu waxay tahay; Dadka Somaliland Miyey ogyihiin, in markasta dawladda Jabuuti qorshaynayso sidii ay isaga kaashan lahaayeen iyada iyo cadow kasta shirqoolo lagu fashilanayo heshiisyadda Somaliland, sida  Maalgashiga Dekedda Berbera ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland la saxeexatay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.?

Maxaa xilligan keenay in Madaxweyne Geelle ogolaado in laga wareysto Maalgashiga dekedda Berbera ? Haddii-ba uu ogolaaday in la wareysto, Maxay ahaayeen su’aalihii mudnaa in la weydiiyo?.

Haddii aan wareysiga ku noqdo, noociisu waxa uu ahaa wareysi dheer oo laba qaybood ka koobnaa.

waxuuna ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Caalamka iyo Gobolka (Gaar ahaan Dekedda Berbera).

Sideedaba Wareysigu wuxuu u baahan yahay diyaarin iyo fikir aad u xeel-dheer. Waxaanse si gaara isu dul-taagayaa kala mudnaashaha su’aalaha  diiradda la saarayo iyo in wareysigu yeesho ujeeddo cad oo loo socdo iyo geeddi-socod isku-nidaamsan.

Su’aalaha la waydiiyey Madaxweynaha ee aan sugayey Jawaabta uu ka bixin doono, waxa ka mid ahaa sababta uu dagaal dhaqaale xooggan ugu adeegsaday. sidii uu meesha uga saari lahaa, Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag dhan $442 milyan dollar oo lagu ballaadhinayo, laguna casriyeynayo Marsadaasi Berbera.

Waxa la waydiiyey Madaxwayne Md. Ismaaciil Cumar Geele Su’aalo ay ka mid ahaayeen.

Su’aal: Waxa jira dagaal xagga Ganacsiga ah oo idinka dhexeeya Imaraadka, waxaanay degeen Dekedaha Casab (Eriteria) iyo Berbera (S/land). Waxa kale oo ay doonayaan Cadan (Yemen), Arrintaasu Miyaanay khatar idinku ahayn.?

Jawaab:  Waxba nagama baxsanayaan, Xaaladduna waa mid deggan, si ay dekedda Berbera ugu qabsadaan suuqa Dalka Itoobiya, Waa in dib loo dhisaa waddada dhererkeeddu yahay 280KM, taasi oo dekedda Berbera ku xidhaysa xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeya ee Wajaale, 1Milyan iyo Badh ayaa ku baxaaya 1KM iyo in ka badan, Waa 400Milyan ..Yaa bixinaya (Lacagtaa)..?

Intaa waxa dheer qalabka ay Maraakiibta waaweyn ku soo xidhan-karto, waxay Berbera u jirtaa 12KM, halka dekedayada Jabuuti ay toos tahay, Markastana waxyaabo badan ayaa noo Hiilinaya, faa’iidadaasina waa sidaanu doonayno” ayuu yidhi Madaxwaynaha Jabuuti.

Su’aal kale : Hawl-galka Dekedda Berbera lagula wareegay, dad ayaa ka dhex- arka In uu gacan ku lahaa Ganacsadaha jinsiyadaha Jabuuti iyo Faransiiska haysta Mr. Cabdiraxmaan Boore oo mar La-taliye kuu ahaa, intii aydaan isku dhicin, lana ogyahay inay isku-dhow yihiin Imaaraadka Carabta.?

Jawaab: “Kaalin wuu ku lahaa arrinkaasi, laakiin way eryeen mar-hore.”

Inta badan su’aalaha uu weriyaha ka socda TESFANEWS waydiiyey Madaxweynaha Jabuuti, waxay ahaayeen su’aalo kala madax bannaan, Marar kooban ayay dhacdaa inuu wariyuhu ku celiyo, su’aalaha ka dhasha ee la socda su’aashii hore ee la wareystaha la waydiiyey.

Waxa iyaduna jirta in Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uu ujeeddo siyaasadeed oo uu ka leeyahay darteed Waddanka Soomaaliya uuna ka niyad jabay, isla-markaana tacab badan geliyay, sidii ay Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

Booqashooyin ku salleysnaa joojinta heshiisyada Dekedda iyo Saldhiga Berbera oo uu ku tegay Madaxweyne Farmaajo Sacuudiga iyo imaaraadka, isla markaana ahaa dacwad ka dhan ah Somaliland ayaa iyaguna aakhirkii ku soo dhamaaday Natiijo hungo iyo dhirbaaxo siyaasadeed oo kala kulmay Waddamada Sacuudiga iyo Isu-taga Emaraatka Carabta (UAE). Balse dedaal kasta oo Madaxwayne Geelle geliyey, waxay noqotay Hal bacaad lagu lisay, iyadoo iyagana dalalka tartanka xoogga badani ka dhexeeyo ee Masar iyo Itoobiya ay ku dagaalamayaan kasbashada Somaliland.

Waxa kale oo muhiim ahayd oo la waydiiyey Madaxwayne Geelle Doorashadii ka dhacday Waddanka Soomaaliya, waxaana oo uu sheegay markuu ka hadlaayey arrintaa waxuu aad u ammaanay Madaxweynahooda Farmaajo, isagoo sheegay inuu ku yimi doorasho laga wada mab-suuday, isla-markaana aanay adeegsan karin waddamada deriska ah siiba Itoobiya oo uu carabka si gaara ugu dhuftay.

Si guud su’aalahii la waydiiyey Madaxwayne Mudane Geelle waxay ahaayeen kuwo jawaabihii uu ka bixiyey isaga ay faa’iido iyo farriin gudbin u ahayd, Weriyuhuna waxay  ahayd inuu muujiyo inuu su’aalo kulul weydiiyo, Balse muhiimadda la raacayaa ahayd jawaabta uu bixiyey, Su’aal kasta oo la waydiiyo wuxuu waafijiyey sida uu rabay ama ay u socdaan, Hadalka Madaxwayne Geelle, waxaa uu si cad u muujiyey dareenka Bulshada Jabuuti ka qabaan Horumar ay samayso Marsada Berbera taasoo ay ka cabsi qabaan inay kala wareegto suuqa dekedaha ee mandaqada Bariga Afrika.

Waxay ahayd macne weyn in la wareysto Madaxweyne Geelle, laakiin muhiimaddu waxay ku jirtay : su’aalaha la weydiinayo iyo xogta ka soo baxaysa, Waraysigiisa waxa qiimo u yeelaya marka aad ogtahay ee aad sii odorosi kartid natiijada ka soo baxaysa. Marka aad masuul noocan oo kale su’aal weydiinayso waa inaad si dhugan ula socota sida uu uga jawaabayo, waxaana uu isku dayayey Madaxwayne  Geelle markasta inuu u jawaabo si guud oo uu jawaabta dhabta ah ku mal-dahayo iyo inuu ka wer-wareego inuu sharaxaad sii galo, si uu weriyaha ku illowsiiyo nuxurka laga rabo.

Marka ay sidaa tahay Maxay ahayd ujeeddada dhabta ahayd ee wareysigaa looga qaaday? Maxaa laga rabay in Waraysigaasi Madaxweynaha uu ka soo baxo? Su’aalaha la waydiinayo Madaxweyne Geelle, miyaa falan-qayn iyo rog-rogis lagu sameeyey? Maxuu Madaxweyne Geelle Horumarka Somaliland uga soo Horjeeddaa ?.

Idinkuba Bal dib-u-qiimeyn ma ku samayseen waraysigaa iyo natiijadii ka soo baxday?

Adan Yusuf Elmi.

Guji Halkan Si aad Waraysiga u Akhrido.

‘No One but China Offers a Long-term Partnership in Djibouti’: President Guelleh

Comments are closed