|

Wareejinta Haamaha Oo Lagu Dhawaaqay, Qorshaha Cadhada Madaxtooyadda, Xil Ka Qaadista Cirro Iyo Ninka Lagu Bedelayo

Berbera, 16 Sep 2015 (SDN/QJ)- Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Sh. Saleebaan ayaa shaaca ka qaaday in la wareejin doono haamaha, laguna wareejin doono shirkadaha maxaliga ah ee madaxtooyadu ugu talagashay in lagu wareejiyo. Maareeyuhu wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa,id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

HAAMAHAMaareeye Saleebaan hadalka uu arrintaa ku shaaciyay ee uu siiyay warbaahinta wuxuu u dhignaa sidan; “Hamaha waxa iska leh qaranka, waxa madaxweyne ka ah Axmed Siilaanyo, waxa markii hore Total lagaga eryay madaxweynaha amarkiisa, imikana waxay ku shaqeeyaan madaxweynaha amarkiisa, waxa himiladda madaxweynuhu tahay sidii horumar looga gaadhi lahaa haamaha, marbana halka lala doorbido ayaa lagu soconayaa. Haamaha waanu hagaajinay, ka shaqaynay, meel fiican bay marayaan, amarkiisaa lagaga shaqeeyay, madaxweynuhu wuxuu ugu tala galay haddii aanu helo maalgashi caalami ah iyo mid maxali ahba oo aanu wax ku kordhin karayno waa qaadanaynaa, ninna loo daba fadhiisan maayo.
Haddaanu aragno inay kaga anfac badan yihiin intii aanu anagu haynay, waa la eegaynaa.
Hadday ay la anfac noqon waayaan oo wax noo qalma oo saxma noqon waayaan, dee sidii Totalba looga noqday baa looga noqonayaa, laakiin waa tijaabo. Haamaha waa la wareejinayaa, waxaanu ku wareejinaynaa shirkadaha maxaliga ah. Total 3milyan oo doolar bay shubtay, maanta kuwani waxay shubayaan 11milyan oo doolar oo lix milyan oo ka mid ah haamaha la gelinayo. Waxa kale oo aan halkan uga jawaabayaa rag saaxiibaday ah oo telefoono shaqo ka dhigtay, oo marka laba qof hadlaan yidhaahda Sheekh Saleebaan baa ka dambeeyay, aniga waa la i yaqaanaa, in aanan dadka abaabulka iyo mudaharradka iyo waxaa yaqaana, tixgelin baan madaxweynaha u hayaa, mana khilaafsani, waan la shaqaynayaa, laakiin warka iyo mudaharaadka raggii wadi jiray uun baa wada ee aniga astaan iima ahayn.”

Hadalkan maareeyaha ka soo yeedhay ayaa loo dhadhansan karraa mid dirqi oo masuuliyadda shaacinta wareejinta haamaha loogu xilsaaray, kaasoo la odhan karro waxoogaa wuxuu ka khafiifin karraa Maareeyaha tuhunka madaxtooyadda ee ku xidhiidhinayay kacdoonka diidmada wareejinta haamaha.
Waxa kale oo dhawaaqan wareejintu iftiiminayaa in aanay madaxtooyadu tixgelin siinin dareenka shacabka ee diidan qaabka mugdigu ku jiro ee loo wado hawshaa iyo hannaanka xorta ah ee loo bandhigo, looguna tartamo, ee lagu siiyo cidda ku guulaysata.

Dhanka kale siday tibaaxeen xoggo uu Ogaal ka soo xigtay illo xog ogaal ah, waxa la filayaa in wasaaradda ganacsigu dhakhso ugu dhawaaqdo wareejinta haamaha, isla markaana waxay xoggahaasi tibaaxeen in lagu wado in Ciidda kadib golaha wakiiladda la hor keeni doono laba mooshin oo mid ka mid ahi yahay kii lagu laalayay go,aankii hore goluhu ugu hor joogsaday wareejinta haamaha, ka kalena yahay mid lagu beegsanayo in xilka gudoomiyaha golaha wakiiladda lagaga qaado Cabdiraxmaan Cirro, si khasab ah loona adeegsado wax kasta oo loo baahdo.
Xoggahaasi waxay intaa ku ladheen, in mid ka mid ah xildhibaanada ay haybta wadaagaan Cirro, ay suuragal tahay in lagu bedelo. Dhanka kale xogahaasi waxay tusmeeyeen, in madaxtooyadu aad uga cadhootay sidii loo hakiyay mooshinkoodii iyo sidii wax u dhaceen, isla markaana ay taasi sal u tahay duullaanka isku dayga ciidda dabadeed.
Hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhinacyadaa, oo ku saabsan jiritaanka tibaaxahaa oo shalayba jaraa,idka qaar wax ka qoreen jiritaankooda .
laakiin Tibaaxahan ayaa haddii ay sidaa run ku noqdaan sii hurin doonnaan khilaafka gacan ka hadalka gaadhay ee golaha iyo masuuliyiintiisa. Sidoo kalena sii siyaadinaya qaska siyaasadeed iyo ismaandhaafka salka ku haya qaabka xukuumaddu ka yeelayso hantida guud ee qaranka.
Waxa kale oo ku muunad beeli kara kala dambaynta iyo nidaamka dawliga ah oo hay,ad ahaan haddaba lagu tilmaamo mid qasan.
Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed