|

Wareegtada ku-wajahan Dhulka Danta Guud ee Dhul-xeebeedka Berberi waa Ku Raad-Gadasho iyo Gabood Dhul Boob Qarsoon oo hor-leh.sida Xabaalo Tumaalo

Qormadii 9aad   Xukuumada Siilaanyo Waxa ay Mataaneysey Xasad/Xanaf/Xajiin iyo Xanuun Qabyaaladeed oo xaraaradiisu mareyso 100%

Wadaagayaal waxa Wadan kasta, Wax-kadhigaa waa Dawladiisa iyada oo ku-hageysa Tubta toosan oo ah Sinaan iyo cadaalad lana kaashaneysa Shacabkeeda.

Miyaase Weli la arkey Xukuumad Shacabkii isku dhufaneysa?  Bal-u-kuur-gala Waxa ka socda Magaalada Burco!! Miyaa Maqasheen-Budh-cad-dhuleeda ka dilaacey S/land Gaar-ahaan Gobolka Saaxil ?? Wadan wuxuu taabo-galaa oo uu Horumar la -taaban-karo Gaadhaa, markuu Helo Madax-Daacad ah oo u-tudha oo Samo talis ah oo aan ka shaqeysan ee ummadda Isku Wada oo Walaaleeya una-shaqeeya.  Markii la tuujiyey Xukuumada Siilaanyo waxay noqotey  Xukuumad Huubo ah oo ka Aradan Haykalkii, Haybadii, Milgihii,iyo karaamadii Qaranimo, Waxay noqotey Xukuumad Beelihii Walaalaha ahaa ee Somaliland Kala dhex-dhigtey Maanta Xuub-Caaro ka dib markii ay Xukuumadu kala hagi weydey ee ay u-kala eexatey ee ay kala dhex-dhigtey Beelihii Xasad,Xanaf, Xajiin  iyo Xanuun Qab-yaaladeed oo maanta Xaraaradiisu Mareyso 100%.

Horumarka iyo Higsiga ilbaxnimo ee ay ummaddi gaadhi kartaa waxa ay mar-walba ku-xidhan-tahay sida ay Xukuumaddu u-dar-yeesho Dan-yarteeda iyo Maatideeda gaar ahaan kuwa Nugul ee Biri ma-geydada ah ,Waxa ay Xukuumada Siilaanyo ay ka-baro kicisey sanadkii hore ee 2011 Magaalada Berbera Reero Dan-yar ah oo Gaadhaaya ilaa iyo 340 Qoys oo aan ilaa iyo maanta aan dhul la dejin oo aan loo qorsheyn Dhul ay degaan. Iyada oo Maanta Xaalka Berbera uu Halkaa Maraayo ayaa waxaa dhawaan Madaxtooyada S/Land ka soo Baxdey Wareegto ( Degreeto) lagu Xakameynaayo Dulka Danta Guud ee  Berbera. waxa ay Wareegtadu Leedahay: laga bilaabo taariikhda maalintaa Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, wadada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa illaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.

Hadaba In badan oo dhulkan ay Wareegtadu ku-sheegayso Free Zone ayaa waxaa ku yaala ama ka dhisan dhul-sita Sife sharci ah oo buuxa dhulkaas oo ay ka dhisan yihiin Huteelo, Bakhaaro, Guryo, Geerashyo , dhismeyaal cusub oo hada socda iyo dhul badan oo deyran iyo dhul-banaan ah oo sharciyeysan oo cashuurtiisii dawlada hoose loo xareeyey. waxaana dhulkaa bixiyey Dawladihii Wadanka isaga laka danbeeyey. Hadaba  waxaa fajaciso iyo af-kala qaad-ku-noqotey Mulkiilayaashii dhulkaa Meheradaha  iyo Guryaha ku lahaa markii Dhulkoodii lagu tilmaamey Dhul-Dan-Guud ah oo ( free Zone ah ). Waxaa iyana Fajaciso Labaad ku noqotey shacabkii dhulkaa lahaa markii ay u-fiirsadeen Sifaha ka muuqda wareegtada ayaa waxay ogaadeen in aan Xogta wareegtadan lagu soo Hagaajin Masuuliyiintii Sharciga u-lahaa sida Gudoomiyaha Gobolka, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Arimaha Gudaha, Maayarka Gobolka iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada, ee lagu soo hagaajiyey cid aan sharci u-laheyn.

Waxa ay Wareegtadaasi aheyd mid-ka-Aradan Sunaha Dawladnimo iyo Hab-dhaqanka maamul, Taas oo ummaddu wada aragtey in aaney maanta xukuumada Siilaanyo laheyn mijo- iyo -Madax ee ay Tahay Xukuumad Huuris ah oo aan laheyn karaamo iyo kala sareyntii Awoodihii Dawladnimo.

Waxa ay Digreetadani aheyd mid Bilaa-hubsiimo ah oo Xanbaarsan Danihii Gaarka ahaa ee lagu Yaqaaney Xukuumada Siilaanyo kaas oo ah Dhul-boob hor leh, iyo in Hantida ummadda ee Maguuraanka ah ay xukuumadu  u-sadqeyso Shaqsiyaad Gaar ah oo sita Macagyo Shirkadeed.
Waxaa wareegtadaasi Ummadda shaaca uga Qaadey Sida ay Maanta ay Awoodihii Dawliga ahaa ee Xukuumada Siilaanyo ay isugu dhex-yaaceen ee ay isugu liin-baxeen ee ay u-maroor-sadeen cid-aan ehel-u-ahayni. Waxaa ay Wareegtadani Ummadda u-Bayaamisey sida ay maanta xukuumada Siilaanyo ay ugu tumaneyso xeerarkii Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer = 23 oo ay Hore-ugu-Dhaba-baceysey waqtigii doorashadii Maayarka iyo Ku-xigeenkiisa Degmada Berbera iyo Gobolo kaleba ee ay Doontey in ay xukuumadu  Maayar iyo Maayar-ku-xigeen ay ku-keento oo ay kursiga ku-saarto Qar-qarsi iyo Qoor-Qabad laakiin ay U-suurto Geli Weydey oo Xaqii soo baxey.  Waxaa ay wareegtadani Shaaca ka Qaadey in Maareeya- yaasha Xukuumada siilaanyo ay ka awood-badan yihiin Wasiiradii Xukuumada iyada oo lagu Guuraayo uun oo lagu fushanaayo u- Gog-Gol-xaadhka shaqsiyaad Ku mamay Hantidii Maguuraanka aheyd ee ummadda  ka dhaxeeyey iyo Sad-bursiga  isireysan ee lagu  Boobaayo Dhulkii Danta Guud ahaa ee ummadda ka dhaxeysey.

Intii Xukuumada  Siilaanyo ay haysey wadanka waxaa Xawli aad ah ku soco-naayaa in dhulka danta guud iyo Kheyraadka ummadda ka dhexeeya la Boobo oo loo sameysto sharciyo iyo shirkado dad-gaar ah u xidhan. Waxaa isna sii badanaaya Dhul dan guud ah oo loo sameystey Sharciyo been abuur ah oo tuugo ah, Waxaa isna faraha ka baxey oo sii-badanaaya Dhul-beereedyo loo xidhanaayo Qaab-iskaashato ah, Qaab-warshadeed iyo qaab shaqsiba leh, Waxaa aad u sii badanaaya awoodaha ka baxsan Hanaanka Dawladnimo ee ay Dawlada Dhexe ku fara gelineyso Maamulka  Degmooyinka yar-yar Gaar ahaan Degmooyinka Gobolka Saaxil oo Dhul badan oo dhul-daaqsimeed ah loo xidhey si sharci daro ah iyo been abuur marna la leeyahay Macdan baa ku-jirta , marna la leeyahay wershadaa laga dhisi doonaa.

Waxaa Marag ma-doonto ah in intii ay xukuumada Siilaanyo ay Gadh-wadeenka ka aheyd wadanka in ay ku Fashilantey Qorshii Guud ee Dhulka Wadanka Taas oo Dhulkii Danta Guud ee S/land uu faraha ka baxey oo maanta ummaddu wada aragtey Shaqsiyaad Xidhanaaya 30km2, 10ml2, 26km2 iyada oo ay shaqsiyaad Gaar ahi ay u-xidhanayaan sifeyaal is-kaashato, shirkadeed, Wershadeed ama Beereedba, Taas oo ay Naftoodii ku-waayeey Dad aad u-tiro badan markii ay xukuumadu kala hagi-weydey ee kala Hagaajin-weydey.Waxa  Maanta Somaaliland cid-waliba  indha-hooda  ku-arkayaan Shaqsiyaad Muwaadiniin, Mujaahidiin Dan-yar ah oo Ilkaha ku-sita caruurtoodii oo weliba Cadiban oo marinkii ay mari-lahaayeena laga waageertay oo laga xidhey oo  xuquuq-doodii lagu Xad-gudbey oo Xaqoodii Dawlada ka waayey oo aan laheyn Bogcad yar oo ay salka dhigaan oo ay ku-dhaqmaan halka ay Shaqsiyo Gaar ah oo Gacan-wadaaga yaqaanaa ay maanta ay Xidhanayaan dhul aad u-balaadhan oo weliba ay ummadii ay goobtan ay xidhanayaan ay ugu  yimaadeen ay kula dagaalamayaan. Waar-yaa Wadanka u-cid ah oo u-ehel ah ?? meeyey Xeerarkii 17, iyo Xeer 20. Miyey Xeerarkani Odhanayaan Muwaadina Cagta Ha-la mariyo Mid-kalena hala Siiyo dhul-intii uu-doono. Waa Yaab!! Waa taa Cadaaladii Xukuumada  Siilaanyo.

Guntii iyo Gebagebadii: Waxaan Xukuumada Siilaanyo Leenahay Hadii Muwaadiniinta Xuquuqdooda la dhawri Waayo cidina Dawlada dhawri meyso.

Waxaanu leenahay Nabadgelyada iyo midnimada ummaddu waa aas-aaska Dawladnimo ee ummadda kala Bad-baadiya oo u-xaqsoora.
Waxaanu leenahay xukuumadu ha joojiso eexda, Qabyaalada, Qaraabokiilka iyo Musuq-maasuqa ragaadiyey Dhamaan higsigii iyo Hawlihii Qaranka.

Waxaanu leenahay Xukuumadeey waxaad aas-aaskeeda dhigtey Taariikh Madow, taas oo aad  ku caan-baxdey is-naceybkii Guud ahaaneed ee Degaanada S/land Dhex-maray intii aad hogaanka aad haysey kaas oo Wiiqey Wadarnimadii ,Walaaltinimadii iyo wax-wada la-haanshihii iyo wadaagii ka dhexeeyey Dantii Guud ee ummadda S/land  ka dhaxeysey.

Alleh ayaa Milgo iyo Mahadba Leh
Waa- Bilaahi- Tawfiiq
A/Rahman Fidhinle
Intensive Ed PA
UK

Comments are closed