Wareegii 7aad ee Ololaha Cidhib tirka Cudurka Dabaysha oo ka Bilaabmay Punt land
Garoowe 15.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta  bilowday wareega 7-aad ee tallaalka Dabaysha,kaasoo lagu rajo wayn yahay in la tallaalo caruurta ka yar tobanka sano.
Wasiir ku xigeenka Cafimaadka Puntland Sayban Ugaas Yaasiin oo maanta war-fidiyeenada kula hadlaysay magaalada Garowe ayaa fariin adag u jeedisay waalidiinta,waxayna sheegtay waalid kasta in looga baahan yahay inuu dhalaankiisa siiyo labada dhibcood ee tallaalka dabaysha.
Marwo Saynab Ugaas ayaa cadaysay inay tallaalka sidoo kale gayn doonan goobaha waxbarashada si caruurta iskuulada joogta ay u qaataan,waxayna ku tilmaamtay tallaalka inuu yahay mid looga hortago khatarta uu xanbaarsan yahay.
Wareegaan oo ka duwan kuwii hore ayaa la sheegay in xooga la saari doono caruurta Tobanka sano ka yar kadib dad 20-sano wayn laga helay cudurka dabaysha ,waxayna sheegtay ilaa iyo hada Puntland in laga helay hal kiis oo Bossaso ah.
Inkastoo cudurka Dabaysha oo ku xoogan yahay Koonfurta Somalia hadana dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegay inuu cudurkaasi ka mid yahay kan dadku ay isku gudbiyaan,sidaasi darteedna loo baahan yahay in wacyi galinta la joogteeyo.
Garoowe SDN.
Qurbejoog,com