|

WAR DEG DEG AH :Mudaharaad baladhan oo cawa ka socda boorama daawasho wacan

Boorama 21Feb13 (Qurbejoog)Telefishin laga daawado gudaha magaalada Boorama oo la yihdaahdo Rayo TV ayaa caawa xukumada Siilanyo abaara sideedii fiidnimo Iriradaha u laabtay markii sida la sheegay uu dhawr Habeen oo isku xiga sii daayey Barnaamij salaadiini ku dhaliishey xukumada Siilanyo iyo Gabay la sheegay in xukumada Siilanyo iyo wakiilada xukumada Boorama u joogaa aanay jeclaysan oo ka biyo diideen.
Sida xoggaha Qarannews heshay sheegayaan waxaa xukumada Siilanyo Xabsiga u taxaabtay laba hawl-wadeen oo ka tirsan TV-ga oo kala ah Agaasimaha TV-ga Maxamed Cali iyo Madaxii waaxda farsamada Cabdifataax Cilmi kuwaas oo laga qabtay xarunta TV-ga.
Dhinaca kale waxaa la sheegay in TV-ga Rayo oo soo daaya Barnaamijyada ciyaaraha, dhalinyarada reer Booramana aad u daawadaan in markii laga war helay in xukumada Siilanyo albaabada u laabay dhalinyaradu mudaharaad bilaabeen oo Taayiro wadada badhtankeeda ku gubeen,islamarkaana shiideen dhismayaasha iyo xafiisyada Dawlada iyo Guryaha saraakiisha Booliiska siiba Guriga Taliyaha Booliiska Borama.
Geesta kale waxaa la sheegay in mudaharaadkaasi sababay in ciidamada Booliisku rasaas u isticmaalan si ay ku kala dareeriyaan dhalinyarada mudaharadaaysay inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo rasaatu keentay.
Isku soo wada duuboo weli mudaharaadkii habeenimadaa ayuu si teelteel ah u socda,ciidamaduna baacsanayaan,weli TVgii hawada dib ugma soo laaban.

Halkan ka daawo mudaharadkii

Comments are closed