WarDegDega :Musharaxiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbigii Udub Cali Maxamed Waran Cade iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa si rasmiya ugu biiray urur siyaasadeedka Waddani.
Hargaysa Nov 1/12musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbigii Udub Cali Maxamed Waran Cade iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa si rasmiya ugu biiray urur siyaasadeedka Waddani.xubnahahan ku soo biray ayaa waxa waheliyey xildhibaano iyo siyasiin ku midaysaana xisbiga udub xafladan lagu soo dhawaynayey ayaa waxa caawa lagu qabtay Hoteel Ambassdoor waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha urur siyaadadeedka wadani ahna gudoomiyaha barlamanka somaliland Cabdiraxman Ciro Mayar ku xigenka Maxamed Cabdilaahi uur cade Xoghaya guud ee uruka wadani Maxamed Cabdilaahi. waxa kale oo ka mid aha sheekh cali maxamed Geedi iyo tageerayasha urur siyaasadeedka wadani waxa goobta ka hadashay dhamaan xubnahii Udub ee ku soo biray uruka wadani .ugu danbayntii ayaa waxa ka hadlay Siyaasiga Cali waran cade oo u shegay in ururka wadani ay isku siyaasad ka mid yihiin xisbigii udub una ka tanaasulay urarka isaga oo egaya danta Shacabka somaliland waxana u shegay in uu tageeradooda la garab istagaan ururka wadani . gabagabadii aya waxa hadal gaban ka soo jediyey gudoomiyaha ururka wadani ahna gudoomiyaha Barlamanka isaga oo soo dhaweyey xubnihii ku soo biray ururkooda una soo dhawaynayo cid kasta oo rabta inay ku soo biirto ururka wadani waxana u shegay in ay wax wayn ka badali doonto.