Warbixintii todobaadlaha aheyd ee wasaarada warfaafinta Soomaaliye ee todobaadkan
Mogadishu, 05 July 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, howlgelinta Idaacada Radiyo Muqdisho ee Codka Ciidamada Qalabka Sida, Dabaaldegga 1da Luulyo, socdaalkii Wasiirka Xannaanada Xoolaha uu ku tegey Puntland, Mashaariic laga hirgeliyey Beledweyn, Dib u howlgelinta Wargeyska Dalka, Ansixinta Sharciga Golaha Adeega Garsoorka, iyo Tartan Aqooneedka Ramadanka oo la bilaabay.
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Howlgelinta Idaacadda Radiyo Muqdisho Codka Ciidamada ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa xariga ka jaray howlgelinta idaacadda oo ku hadlaysa afka ciidamada qalabka sida. idaacaddu waxey baahin doontaa barnaamijyo ka turjumaya wax qabadka ciidanka, ayna ka shaqeyn doonto isu dhawaanshiyaha shacabka iyo ciidamada qalabka sida. Howlgelinta Idaacadan waxey qeyb ka tahay sidii looga shaqeyn lahaa isu soo dhaweynta shacabka iyo ciidamadooda qalabka sida, Waxaa muhiim ah in shacabka ay la shaqeeyaan idaacadda codka Ciidamada Qalabka Sida, si ay dhiiri gelin ugu noqoto ciidanka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, tanoo horseedi doonta in ciidamadu ay soo afjaraan dagaalada lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana xoojineysa waddaninimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”
Wasiirka Warfaaftina oo ka hadlayey 54 guurada 1da Luulyo ayaa yiri “Waddanka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa si weyn looga dabaaldegay, tanoo muujineysa sida Soomaalidu ay u jecelyihiin midnimadooda, isla markaana u weyneynayaan halgankii dhiigu ku daatay ee awoowayaasheen ay noogu horseedeen xornimada iyo madax-bannaanida dalka. 1da Luulyo 1960kii ayey gobollada koofureed xornimadooda ka qaateen gumeysigii Talyaaniga, waana maalintii ay goboladda Waqooyi iyo Koofur ku midoobeen. Xuskan 54 guuradii ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale xafladii calan saarka ee Muqdisho lagu qabtay. Xuska iyo dabaaldegga maalmaha xoriyadda ayaa sanadkan aad uga duwanaa sanadihii hore oo Soomaalida meel walba ay joogaan ay isagu hambalyeynayeen. Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa waddooyinka Muqdisho lug ku maray oo ay gacan qaadayeen dadkii iskugu soo baxay xafladda, oo ugu danbeyntii Daljirka Dahsoon Ra’iisul Wasaaruhu khudbad halkaas lagu xusayo 1da Luulyo ka soo jeediyey.”
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey socdaalkii Wasiirka Xanaanada Xoolaha ku tegey Puntland ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisa oo si hagar la’aan ah iyo niyad sami u soo dhoweeyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka mudadii uu joogey Puntland. Socdaalka Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee 16kii Juun ilaa iyo 30kii Juun ayaa ahaa mid lagu xoojinayo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Puntland. Wasiirka ayaa gaaray magaalooyinka Galkacyo, Garowe, iyo Boosaaso, halkaas oo uu kulamo la qaatay Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Madaxweynaha Puntland. Wasiirka ayaa Garowe uga qeybgalay labo mashaariic oo kala ah 1) Dib u xoojinta adeega Xoolaha iyo 2) Dejinta Siyaasadda Horumarinta Xoolaha. Sidoo kale Wasiirku wuxuu booqday labada Maxjar oo midu gacanta ay ku hayaan ganacsato Soomaaliyeed, halka kan kalena ay ganacsato Sucuudiyaan ah gacanta ku hayaan.”
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey mashaariic laga hirgeliyey Beledweyne ayaa yiri “Waxaa dhowaan la dhameystiray mashaariic waddo laami ah oo laga hirgeliyey Beledweyn, Buundada xerada Daraawiishta, Buundo koowaad iyo kanaal dib u habeyn lagu sameeyey si fatahaada biyaha webiga aysan khasaare ugu geysan shacabka, loona isticmaalo biyahaas. Waddada laamiga ah ayaa loo sameeyey biyo mareen iyo bulaacado. Waxaan mahad-gaar ah u dirayaa Dowladda Ingiriiska oo mashaariicdan ka saaciday Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan, tanoo ahmiyad gaar ah noo leh oo naga saacideysa qorshaha xasilinta dalka, isla markaana shaqo abuur u noqotay dhalinyaradii howsha waday oo ka badan 700 oo qof. Sidoo kale Dowladda Hoose ayaa 160 shaqaalaha nadaafadda ah ka howlgelisay waddada la dhisay oo iyadana ah shaqo abuur joogta ah.”
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Dib u howlgelinta Wargeyska Dalka ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in qorshe muddo socday aan ku guuleysanay inaan dib u howgelino Wargeyska Dalka oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta. Wargeyska ayaa ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed oo siinaya fursad ay akhbaaraadka ku akhristaan, tanoo kor u qaadi doonta aqoonta bulshada. Waxaan ku talo jirnaa in Wargeyskan oo hadda ku bilowday usbuucle uu noqon doono mid maalin-le ah. Aqoontu waa iftiinka nolosha, waddan walbana waxuu ku horumaraa heerka aqoonta bulshadiisa, oo akhrinta ay horseed ka tahay aqoonta. Dowladda waxaa ka go’an sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada warbaahineed oo wargeysku muhiim u yahay bulshada.”
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey ansixinta Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka ayaa yiri ““ 30kii Juun 2014 ansixintii Baarlamaanka Federaalka Soomaalia uu ansixiyey sharciga Golaha Adeegga Garsoorka waxuu ahaa talaabo weyn oo loo qaaday dhinaca Dib u habynta Cadaaladda iyo ku dhaqanka sharciga ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay dib u habayn rasmi ah ay ku samayso garsoorka dalka si loo xaqiijiyo in garsoorka dalku yahay mid caddaalad ku dhisan oo loo siman yahay dadkuna la xisaabtami karaan madaxda. Maaddaama aan cagta saarnay waddaddii nabadda iyo dhismaha Qarannimada waxaa loo baahan yahay in la habeeyo oo la horumariyo cadaaladda iyo garsoorka si loo soo celiyo kalsoonidii dadku ku qabeen nidaamka dowladnimo iyo sarraynta sharciga. Muddo ka badan 23 sano nidaamka garsoorka Soomaaliya waxa ka maqnaa awooddii ama golihii magacaabi lahaa, dallacsiin lahaa, asnshax marin lahaa isla markaana la xisaabtami lahaa garsoorayaasha dalka, sidaa darteed ansixinta uu Baarlamaanku ansixiyey Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya waxa ay bilow wanaagsan u noqon doontaa barnaamijka dib u habaynta cadaaladda dalka.”
Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey Tartan Aqooneedka Ramadanka ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan bilownay hirgelinta Tartan Aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ujeedadiisu tahay in la kordhiyo is-dhexgalka bulshada, in lagu tartamo aqoonta si aan u kor ugu qaadno aqoonta bulshada, iyo in la xoojiyo midnimada ummadda oo horseed u ah nabadda dalka. Tartankan muhiimka u ah bulshada ayaa waxaa ka qeybgalaya gobollada dalka intooda badan oo degmooyinku ay tartamayaan, iyadoo Raadiyo Muqdisho ay si toos ah bulshada ugu soo tabineyso, iyo TV-ga Qarankuna oo isna tabinayo. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kaalin muuqata ka qaatay sidii aan u hirgelin laheyn tartankan Aqooneed ee bulshadu ay ku soo bandhigayaan aqoontooda, xirfadahooda iyo waayo aragnimadooda.”
Wasaaradda Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha