Warbixin Yurub lagu daabacay oo muujisay in Soomaalida Findland la midab takooro
Helsinki Feb 07,2012(qurbejoog.com)-Tirakoob dhawaan laga sameeyay Yurub ayaa miijineysa in Soomaalida ku nool dalka Findland ay midab takoor saaid ah oo lagu bartilmaansado.
Soomaalida dalkaa ku nool ayaa mudooyinkan danbe yeelanayay kulamo looga hortagayo midab takoorka tiyoo lala hadlayo bulsho weynta reer Findland si is dhexgalku u sahlanaado.
Dalka Findlan ayaa Soomaalida ku nool lagu qiyaasaa ilaa 13 kun oo ruux waxaaney maalinta Abacada ee u danbeysa bil walba ay ka munaqashoodaan sidii xaaladan looga hortagi lahaa.
Soomaalida Findland ayaa ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee Yurub ku ee loogu midabtakoorka badan yahay,kala badh Soomaalida dalkaa ku nool ayaa sanadii hore ay la soo guddboonaatay midab takoor,sida lagu xusan warbixintan.
Goobaha Shaqooyinka ayaa ah halka ugu badan ee Soomaalidu kala kulanto midab takoorka ugu badan sida ay warbixintu muujisay.
Soomaalida ayaa soo dhaweysay in doorashooyinkii u danbeeyay ee dalkaa ka dhaca ay halku dhigyadoodu ahaayeen dulqaad loo muujiyo dhaqanada kala duwan ee dalkaa kuwada nool.
Qurbejoog-Helsinki
contact@somalidiasporanews.com