|

Warbixin Uu Wargeyska The Guardian, Ka Qoray Roob La’aan Iyo Abaar Baahsan Oo Saamayn Xun Ku Yeeshay Nolosha Dadka Iyo Duunyada Ku Dhaqan Somaliland

London,24Nov,2015(QJ/SDN)-Wargeyska caanka ah ee The Guardian, ee ka soo baxa dalka Britain, ayaa warbixin uu goor dhawayd soo daabacay diirada ku saaray xaalad aad u adag oo ay sababeen abaaro iyo isbadalka ku yimi cimilada oo saamayn xun ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool Somaliland, gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah oo ku nool deegaano badan oo kala duwan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo u abaahan gurmad iyo gargaar bina aadamnimo oo degdeg ah.

Warbixintu waxa ay hoosta ka xariiqday abaar baahsan, isbadalka ku yimi cimilada, iyo roobabkii oo aan ku da’in xilliyadii la filayay, biyo la’aan baahsan iyo haraad in ay galaafteen nolosha xoolo nool oo aad u badan isla markaana ay saamayn xun ku yeesheen nolosha dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa beeralayda ah.

“Noloshayda oo dhan halkan ayaan ku noolaa, waxaanu ahayn dad qani ah, waxaan haystay xoolo badan oo nool, dhirtu waxay noo lahaan jirtay midho, kaymuhu jiq bay ahaayeen, oo way qoyanaayeen xoolaha nool iyo kuwa dibad jooga ahba way u fiicnaayee, waxaanu ka werweraynaa noloshayada, laakiin wax waliba way nagu adkaaden, maxaa yeelay roobabkii kumay di’in xilliyadoodii, Todobaatan sanno oo aan noolaa weligay ma arag goroyo iyo garanuug  biyo la’aan u dhimanaya, ma arko in ay cimiladu ka soo raynayso, waa xaalad aad u adag.” sidaa waxa yidhi nin waayeel ah oo 70 jir ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Ismaaciil, oo ku nool deegaanka Bildhaaley.

Warbixintan oo aad u dheer waxaad ka Akhrisan kartaa Qaybta wararka Afka Ingiriisida ee shakabadda Somalidiaspornews ama Qurbejoog.Com 

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warbixinta Oo Af ingiriisi Ku Qoran 

 

Comments are closed