|

Warbixin uu Somaliland ka Qoray Siyaasiga Qoraaga iyo Suxufiga ah ee Reer Kenya Mr Koigi wa Wamwere

Hargaysa 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Waxa xusid mudan, in xuskii sanadguurada 25aad ee madaxbanaanida Somaliland ee 18kii May 2016 oo sanadkan Xukuumadu si heer sare ah u xustay iyo Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Maalagashiga Shirkada DP World ee Dekeda Berbera ee dex maray Xukuumadda Emaraadka Dubai iyo Xukuumadda Somaliland bishii May 2016 oo isku beegmay ay sababeen isbedel weyn oo siyaasadeed oo la xidhiidha aragtida caalamka ee aqoonsiga Somaliland.

mr-koigi-wa-wamwereTaas oo ay kaga faaloodeen warbaahinta caalamka, siyaasiyiin, suxufiyiin, qoraa iyo taariikhyahano waaweyn oo dhamaantood ka mid ahaa marti sharaftii Xukuumada Somaliland ku soo casuuntay ka qayb galka xafladihii xuska sanadguurada 25aad ee madaxbanaanida Somaliland oo taariikhda gashay.

Maqaalka 1aad :  Keniya waa in ay hormuud ka noqotaa aqoonsiga Somalila                                                              

 

“(4) Afar qodob oo khalad ku ah bulshada caalamka in ay dafiraan aqoonsiga Somaliland iyo,

(11) Kow iyo Toban qodob oo ku waajibinaya Dowlada Keniya in ay Aqoonsato Somaliland.”

Sidaas waxa daabacay wargeyska Ururka Umadaha iyo Shucuubta aan Aqoonsi Haysan oo Somaliland Xubin ka noqotay 2004.  (Unrepresented Nations and Peoples Organization)

 

Kaas oo soo xiganaya warbixin uu siiyey Somalilandpress, Mr Koigi wa Wamwere oo ah siyaasi weyn oo u’dhashay Dalka Keniya oo u’halgama xuquuqda aadamaha, isla mar ahaantaa ah, Suxufi iyo Qoraa caan ka ah dalkaas.

 

Mr. Koigi wa Wamwere Warbixinta oo dhamays tiran Waatan :

 

“Waxa la igu casuumay ka qayb galka xuskii 18 May ee sanadguuradii 25aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland 1991, kadib midowgii Somalia oo aan ku dhisnayn sifo sharci ah.

 

Xuskaas oo si heer sare loo soo agaasimay oo xambaarsanaa jawi farxadeed, ciyaaro dhaqameed iyo qiiro wadaniyadeed oo aan ka dhicin dalka Keniya xafladaha xuska qaranimada.

 

Shan maalamood kadib ayaan ka dhoofay magaalada hargeysa anoo dareensan in sida South Sudan, Eriteria iyo wadamo kale oo ka mid ahaa midowgii Sovietka Ruushka oo hadda madax-banaan, ay Somaliland-na ahaato dal xora oo madax banaan.

 

Ugu horeyn, waxa khalad ah in bulshada caalamku dafiraan madaxbaanida Somaliland iyagoo difaacaya midnimadii burburtay 25 sanadood ka hor.

 

Ta labaad, midowgii dhex maray Somalia iyo Somaliland, sida keliya ee loo soo nooleyn karaa waa doonista iyo ikhtiyaarka Umadda basle marna ma noqon doonto, xoog mileteri iyo faragelin siyaasadeed.

 

Ta sadexaad, markii dowladaha Senegal iyo Gambia ku midoobeen dowlad la magac baxday “Sinegambia” 1982, isla mar ahaantaa kala noqdeen 1989, bulshada caalamku marna ma dafirin aqoosiga diplomasiyadeed iyo madax banaanida Dalalkaas sida wakhtigan loo dafirsanyahay Somaliland.

 

Ta afaraad, midowgii Somalia iyo Somaliland muu ahayn mid ku dhisan, xoriyad iyo dimuqraadiyad iyo cadaalad balse wuxuu ahaa mid dhan qudha ka raran.

 

Dhinaca Dowlada Keniya, waxa jira sababo badan oo ku waajibinaya in ay aqoonsato Somaliland.

 

Sababta koobaad, waxa ay tahay, midowgii Somalia iyo Somaliland ee ka dhashay riyadii Somali-weyn oo khatar weyn ku ah dhinaca nabadda iyo xuduudaha dhulka Keniya iyo Ethiopia. Sidaas daraadeed, Keniya waxa waajib ku ah in ay si weyn u taageerto madax-banaanida Somaliland iyadoo ka fogaanaysa khatarta Somali-weyn.

 

Sababta labaad, Somaliland waxa ay ku muujisay ka noqoshada riyadii Somali-weyn, xidigta madow ee shanta gees ee calankeeda ku xardhan, balse Somalia waxa ay weli daba socotaa riyadii Somali weyn sida ay muujinayso xidigta cad ee shanta gees ee ku xardhan calankeeda bluuga ah. Taas oo la rabo in Keniya maaka ku hayso, haddii Somalia ka guuleysato xogaaga al-shabaab ay ku soo jeedsan dooonto Keniya iyo Ethiopia oo ah derbiga kelia ee ka xigta riyadii Somali-weyn.

 

Sababta sadexaad, maadaama Somaliland dhowaan ka furatay Nayrobi, Keniya xafiiska wakiilka uga noqon doona, waxa waajib ah in sidoo kale Keniya ka furato safaaradeeda Hargeysa.

 

Sababta afaraad, Somaliland oo ah dalka ay ka shaqaystaan tirada ugu badan dadka reer Keniya marka la barbar dhigo wadamada kale ee Afrika oo dhan, taas oo macnaheedu yahay in Keniya garwaaqsato wajibka ka saaran Aqoosiga iyo wada shaqaynta Somaliland.

 

Sababta shanaad, maahmaah reer Keniya, ayaa tidhaa wax dhashay dib uma dhasho mar labaad, taas oo macnaheedu yahay maadaama Somaliland dhalatay 1991, kana noqotay midowgii Somalia. Mana dhici doonto in ay mar labaad dhalato iyadoo lagu juujubo dibna loogu celiyo makaanka uurka midowgii Somalia, weliba iyadoo 25 jirstay.

 

Sababta lixaad, Somaliland waa dal ku naaloonaya nabad, gudihiisa iyo jaarkiisa intaba, balse dhanka kale Somalia waa dal dab ka holcayo. Sidaas daraadeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadamaha, bulshada caalamku wa in ay ku dedaashaa sidii ay Somalia uga caawin lahaayeen soo afjarida dagaalada hafiyey, ka hor inta ay ku khasbayaan in ay u gudbiso oo qabadsiiso dabkeede Somaliland.

 

Sababta todobaad, midnimadii Somalia oo ah sababta lagu xaqirayo xoriyadda iyo madax-banaanida Somaliland ayaa heshiiskoodu ahaa mid aan sifo sharci ah ku dhisnayn oo labada dal midkoodna saxeexin.

 

Sababta sideedaad, Somaliland si ka duwan Somalia ayey u’maareysey tirtirida aragaxisada al-shabaab iyo si ka duwan South Sudan ayey u maareysay arrimaha gudaha iyo wada jirka bulshada iyagoo qabaail ah. Hadana South Sudan iyo Somalia, labadaba waa la aqoonsanyahay.

 

Sababta sagaalaad, Keniya way aqoonsan kartaa Somaliland iyadoo la leh xidhiidhkeeda diplomasiyadeed Somalia, una sii wadaan hawsha la dagaalanka argagaxisada al-shabaab si wada jir ah.

 

Sababta tobnaad, Aqoonsiga Somaliland oo xabaali doona riyadii Somali Weyn, ayaa dhinac kale xakamayn doona taranka dowladaha qabaailka baahsan sida qabaailka Umadda Masai-ga iyo Umadda Luo-ga oo bulshadoodu taxantahay ilaa barriga Africa oo dhan.

 

Sababta kow iyo tobnaad, diidmada aqoonsiga Somaliland waa cadaalad darro lagu duudsiinayo xuquuqda bulshada ee xidhiidhka iyo ganacsiga wadamada kale iyo sixir bararka nolol maalmeedka iyo duudsiga fursadaha wax barasho ee dhalinyarada Somaliland iyo taageerada dhaqaale ee qaadhan bixiyayaasha caalamiga. Sidaas awgeed Keniya waa in ay ka dhiidhidaa cadaalad darrada oo ku muujisaa aqoonsiga Somaliland.”

 

Waxaa soo Turjumay Fu’aad Axmed Xuseen Biixi

Comments are closed