|

Warbixin Telefishanka Sweden Ku Faaqiday Farqiga U Dhaxeeya Horumarka Somaliland & Qalalaasaha Soomaaliya

Stockholm 07. December 2016 (SDN/QJ):- Telefishanka dalka Sweden, ayaa soo bandhigay barnaamij si balaadhan loogu faaqiday horumarka iyo amaanka ka jira Somaliland, isla markaana, barbardhigay sida Soomaaliya qalalaasaha uga taagan yahay.

15310518_10154356884923347_658752640_n-310x388Barnaamijkan oo xiiso weyn lahaa, waxa dadkii ay xigteen ee ka hadlay ka mid ahayd wakiilkii hore Somaliland u qaabilsana dalka Sweden Rooda Jaamac Cilmi,  waxaanay tidhi “Ma ammaan ba ahalkani? Wax walba waxay u muuqdaan amaan iyo xasilooni. Ciidammada amaanka ee magaalo xeebeedka Berbera waxay u muuqdaan kuwo feejigan uu cabiraya inaan dareemo nabadgelyo inta aan joogno Somaliland, wadan aan la aqoonsanayn.

Rooda Jaamac Cilmi, wakiilkii hore Somaliland dalka Sweden iyo Ayaan Xasan oo kalkaaliso ah ayaa ku dhoolacadeynaya joogitaanka ciidanka booliiska, oo tilmaamaya in Somaliland ka duwan tahay qalalaasaha iyo khilaafka ka jira Soomaaliya.

“Waxaan ku barbaaray Soomaaliya, laakiin, Somaliland amaan ayaan ka jira, aan xilli walba dibadda ugu bixi karo, laakiin Soomaaliya, kuma dhacdid inaad baxdid,” ayey tidhi Ayaan Xasan.

Rooda Jaamaca Cilmi, oo xirfadeedu caafimaadka tahay ayaa ahayd wakiilkii hore Somaliland u qaabilsana dalka Sweden ayaa tilmaamaysa kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya. “Somaliland waxay ahaan jirtay maxmiyadii Ingiriiska, halka Soomaaliya ay xukumi jireen Talyaanigu. Halkan (Somaliland) waxaan awoodnay inaan wada xaajood iyo isfaham ku maarayno khilaafka, arrimaha Baarlamaanka ku adkaada waxa dhammeeya aqalka odayaasha oo ah Golaha Guurtida.

Dad badan oo qurbajoog ah ayaa ku soo laabta dalka si ay hawlo tabarucaad uga  geystaan, Ayaan Xasan, baddi waxay qabataa shaqooyin dheeraad ah oo ku caawiso cusbitaalka Hargeysa, isla markaana aqoon ka korodhsato.

“Waa farxad sida aad dadka dhaawacan u caawinaysid, laakiin, shaqadayda halkan way iiga xiiso badan tahay Sweden,” ayey tidhi Ayaan.

Markaad eegtid xeebta dheer ee Berbera, aan horumar lahayn, waxaad saadaalinaysaa inay janno ahaan lahayd haddii kale, laakiin waxay u baahan tahay taageero caalamku siiyo Somaliland, sababtoo ah faqriga ayey dadku ka cararaan. “Waxaad dedaalaynay muddo 25 sannaood, wixii horumar aanu gaadhi karno, laakiin, haddii aan gacan nalaga siin helitaanka aqoonsiga, dhallinyaradu way tahriibayaan, shaqo la’aanta,” Ayey tidhi Rooda Jaamac,waxaanay intaas ku kabtay  “haddii Adduunku aqoonsi siin lahaa Somaliland, mustaqbalkeedu wuu bidhaami lahaa, laakiin waxaad moodaa in dagaalada iyo qalalaasaha, sida Koonfurta Sudan, adduunku dareenkoodu xiiseeyo, balse taasi waxay sii fogeynaysaa fursadii aanu ku heli lahayn aqoonsi dhab ah waana caddaalad darro.”

Comments are closed