|

Warbixin: Suuriya Maxay Uga Duwan Tahay Dalalkii Isbadeladu Ka Dhaceen?

 Xilligii kacdoonadu ka cusboonaayeen dunida Carabta ayaa Wargeyska ka soo baxa dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Word Journal Street wuxuu 31.01.2011 waraysi la yeeshay madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad waxaana la weydiiyey madaxweynaha Suuriya in uu ka cabsi qabo in dalkiisana kacdoono looga soo horjeedaa ka qarxaan sida dalalka Masar iyo Tunisia oo xillagaas ay gilgilayeen Kacdoono sababay in madaxweynayaashii xiligaas Zaynal Caabidiin Bin Cali Iyo Maxamed Xusnni Mubaarak xukunkii loogaga tuuray.

Wuxuu ku jawaabay madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad Suuriya lama mid ah dalalka kacdoonadu ka qarxeen ee waanu ka duwanahay taas oo uu ku sababeeyey in dawladda iyo dadku is ogol yihiin, hasa yeeshee dadka xilligaas faalaynayey hadalka madaxweynaha Suuriya waxay u arkayeen in ula jeedkiisu ahaa in uu heli karo garabyo badan kuwaas oo aan ogolaan doonin in uu xilka uga tago sidii fududeey ee ay uga degeen madaxweynayaasha Masar ,Tunisia iyo Yaman.

Waa su’aalo in badan aad laysu weydiiyo markasta oo dagaalka Suuriya ka socdaa saamayntiisii sii badato, sababta Suuriya uga duwan tahay dalalka kale , dawlado aan hore codka diidmada qayaxan u adeegsan jirin ayaa dhawr jeer ugu hiiliyey maamulka Bashaar Al-Asad sida ka dhacday golaha ammaanka sanadihii 2011, iyo 2012 markii ay Ruushka iyo Shiinuhu u adeegsadeen codka diidmada qayaxan in aan la weerarin dalka Suuriya sidii loo weeraray Liibiya.

Arrimahaas oo dhami waxay keeneen in dagaalo qarsoon iyo kuwo muuqdaaba ay ku sii fidaan dalka Suuriya iyada oo mudaharaadkii dalkaasi ka dhacay horaantii sanadkii 2011 ay xilligii danbe isu badaleen dhaqdhaqaaqyo hubaysan markii dawladdu ay shacabkii kala hortagtay cadaadis dhiig badani ku daatay dad badana la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, taasina ay keentay in ay Suuriya ku qulqulaan dad badan oo fikirka jihaadka aaminsan kana kala yimi dalal badan , qaaradda Yurubna ay qayb libaax kaga jirto iyada oo dhalinyaro badan oo wiilal iyo gabdhaba isugu jiraa ka soo hayyaameen Yurub si ay ugu hiiliyaan dadka kacdoonka ka wada dalka Suuriya.

Isbadeladii deg deg ahaa ee ka socday dalka Suuriya waxay abuureen in xooggagii ka dagaalamayey dalka Ciraaq oo cadaadis badani lagu hayey ay helaan goobo ay ku fidaan ka dib markii ciidankii Suuriya kala jabay oo ay cutubyo badani ka soo goosteen taasina ay sahashay in dhul baaxadweyni faraha ka baxo , taasina ay keentay in fikirka jihaadku sii xoogaysto ayna kor usii kaceen xooggagii Al-qaacida , markii danbena uu Abuu Bakar al-baqdaadi ku dhawaaqay Dawladda Islaamka isaguna ka noqday Khaliif, , waxayna keentay arrintaasi in dhalinyaro badani ay ku biiraan dawladda lagaga dhawaaqay dhulka Suuriya Iyo Ciraaq, ayna sii balaadhatay deegaanka ay gacanta ku hayaan.

Aynu dib ugu yara noqono xilligii dawladii Cabaasiyiintu burburaysay 1242 taariikhda miilaadiga ayna soo weerareen Maangooliyiintu waxa lagu xusaa taariikhda in ay Calawiyiintu qayb ka qaateen burburkii dawladii Cabbaasiyiinta ee xilligaas dunnida Islaamka ka talinaysay xarunteeduna u ahayd magaalada Baqdaad, waxaa qayb ka qaatay burburkeedii Calawiyiin xilligaas awood ku lahaa dawladda dhexdeeda waxaana ugu caan sanaa nin Mangooliyiinta gacan saar la lahaa oo la odhan jiray Ibnu Calqamiyi , ninkaas oo u fududeeyey in Baqdaad ay soo galaan Mangooliyiintu lana dilo Boqorkii ugu danbeeyey ee Dawladdii Cabaasiyiinta Al-mustacsim-Billaah.

Qarnigaas Maangooliyiintu dunida Islaamka rogeen waxaa isaguna noolaa Shiikh Ibnu Taymiyah oo ku noolaa magaalada Dimishiq , arrinta ay Calawiyiintu ku talaabsadeen oo loo arkayey in ay ahayd khiyaamo ummadeed iyo ficilada iyo dhaqanka Calawiyiinta ee xilligaas waxaa uu Shiikh Ibnu Taymiyah ka soo saaray Fatwo qawmiyadda Calawiyiinta ee Shiicadda ah, waxaana ay xilligaas laysku afgartay in magaalooyinka waaweyn laga saaro Calawiyiinta oo Buuraha xeebta xiga oo qaar iyaga ka mid ahi ku noolaayen laysugu geeyo, gaar ahaan Buuraha u dhaw magaalada Laadiqiya halkaas oo ah xilligan goobta ay ugu badan yihiin deegaan ahaan, sababta magaalooyinka waaweyn looga saarayna xilligaas waxaa lagu macneeyey si aanay mustaqbalka cadow ugu soo hogaamin.

Fikirka laga qabo Calawiyiinta oo markiisii hore ahaa mid guracan ayaa xilliyadii dawladii Cusmaaniyiintu ka talinaysay dunida Islaamkana ay dawladdu ilgaara ku eegi jirtay, dagaalkii koowaad ee adduunka markii Cusmaaniyiinta la jabiyey dhulkaasina gacanta u galay Faransiiska waxa Calawiyiinta ka yaraaday culaysyo badan oo ay kala kulmi jireen Bulshadii Sunnaha ahayd ee hareeraha ka xigtay taasina waxay xoojisay xidhiidhka Calawiyiinta iyo Faransiiska oo xoogaysta, waxaanu Faransiisku u ogolaaday in ay yeeshaan dawlad Calawiyiinta u gaar ah taas oo la aasaasay sanadkii 1923 waxaana magaalo madax looga dhigay magaalada Laadiqiya , hasa yeeshee waxa uu Faransiisku haddana dib ugu celiyey deegaankaas Dhulka Suuriya maanta loo yaqaano ka dib markii diidmo lagala hor-yimi, waana arrimaha xilligan miiska saaran haddii la arko in Calawiyiintu khatar ku soo fooleedahay in Suuriya dawlado yar yar loo qaybiyo.

Xornimadii Suuriya 1946kii ka hor waxaa sii xoogaystay xidhiidhkii gumaysiga Faransiiska iyo kooxda Calawiyiinta, waxayna awood ku yeesheen ciidankii dalka Suuriya iyagoo Saraakiil badan iyo askarba ka dhexmuuqdeen milatariga dalka , taasina ay markii danbe u ogolaatay in Xaafid Al-asad inqilaab ku qabsado dalka sanadkii 1970kii ilaa iyo maantana ay gacanta ku hayaan qoyska reer Xaafid Al-asad, taageero badana ay ka helayaan dalalka Iiraan, Ruushka , Ciraaq, Xisbullah , malayshiyaad Shiico u badan, iyo bulshada Calawiyiinta oo aan ka ahayn dalka Suuriya 15%.

Intii ay dalka gacanta ku hayeen Calawiyiintu oo haatan dhan 45 sanno waxay ahaayeen kuwo siday doonaan ka yeela dal iyo dad-ba dhibaatooyin badana u gaystay shacabka Sunniyiinta ah oo isugu jiray Carab iyo Kurdi, arrimaha ugu badan ee ay aad u muujin jireena ay ahayd Qawmiyadnnimada Carbeed iyo in Carab nimadu tahay tan ka saraysa Mad-hab iyo diinba waxayna bulshada u muujiyeen in ay meel adag ka taagan yihiin Israa’iil , Falastiiniyiinta Garab siinayaan iyaga oo doonaya in ay bulshada Shaam iyo Suuriya ka masaxaan Taariikhdii mugdiga ahayd ee u hormartay taas oo ahayd in ay Maangooliyiintii garabsiiyeen xilligii Baqdaad ay soo weerareen, waxayna xoojiyeen fikirkii Xisbiga Al-Bacath oo halku dhigiisu ahaa (Ummadda Carbeed Waa Mid Kaliya, Dhanbaal Waarana Xanbaarsan).

Aan mar kale dib ugu soo noqono dagaalkii Gacanta ee Koowaad kaas oo dhex maray Iiraan iyo Ciraaq 1980-1988 madaxweynaha Suuriya ee xilligaasi Xaafid Al-Asad wuxuu dagaalkaasi iska taagay aragti ka duwan dawladihii carbeed ee kale iyada oo waliba ay Saddam Xuseen isku fikir aaminsanayeen oo labadooduba Bacthiyiin ahaayeen iskuna Xisbi ahaayeen ayuu haddana Xaafid Al-Asad wuxuu istaagay goob aanay xilligaas wadamadii carabeed ee taageersanaa Ciraaq ka filayn, wuxuuna diiday in uu Saddam Xuseen garab ku siiyo dagaalka uu kula jiro Iiraan iyo Ayatulaahi Al-Khumayni , wuxuuna muujiyey Xaafid Al-asad in uu diidan yahay dagaalkaas lagu qaaday Iiraan iyada oo markiiba loo arkay in ay isku Shiico yihiin taasina ay kala xoogweynaatay Xaafid Al-Assad fikirkii Xisbiga Bacath iyo qowmiyad nimadii Carbeed iyada oo ay u dheereed aragtiyo kale oo lagu kala duwanaa oo u dhaxaysay Xaafid Al-asad Iyo Saddam Xuseen.

Waan sababaha maanta ay Iiraaniyiintu naf iyo maalba u dul dhigayaan Bashaar Al-Asad iyaga oo u arkaya in Xaafid Al-asad xilligii Carabi isugu tagtay uu diiday in uu ka qayb qaato dagaalkaasi iyo Shiicannimadu intuba ay isbiirsadeen, waa arrimaha ay Xisbullaah Iyo Iiraanba Garabka u siinayaan Bashaar Al-asad .

Hadaynu isagana jaleecno dagaalkii Gacanka Carbeed ee labaad kaas oo qarxay 17.01.1991 dhamaadayna 28.02.1991 ka dib markii Saddam Xuseen qabsaday dalka Kuweyt 02.08.1990, Suuriya waxay garab siisay dalalkii gacanka Carbeed gaar ahaan Sucuudiga waxay u soo direen ciidan gaadhay 14kun oo askari oo ka mid ahaa ciidamo ay Sucuudiga u soo direen dalal badan oo uu hormuud ka ahaa Maraykanku si looga ilaaliyo in uu san Saddam Xuseen u soo talaabin dalka Sucuudiga, xaaladihii xilligaasi taagnaa waxa ay keeneen in ay aad isugu soo dhawaadaan Suuriya, Masar iyo Lixda dal ee gacanka carbeed, Sucuudiga, Qatar, Imaaraadka, Cuman , Bahrain iyo Kuweyt, waxaan markii la xoreeyey Kuweyt , dalalkan wada samaysteen isgaashaan-buuraysi xilligaas la baxay Heshiiskii Dimishiq, kaas oo dhigayey in ciidamo ka socda Masar Iyo Suuriya ay ilaaliyaan wadamada gacanka , waxaase arrintaasi aad uga hortimi Iiraan, waxaa iyaguna dhaqaalihii loogu talo galay bixin waayey wadamada gacanka taasi waxay keentay in heshiiskaasi saqiiro isagoon hana qaadin, Suuriyana mar kale ay Iiraan isgarabsadaan.

Siyaasadaha baaxaadageyey ee ka jiray Bariga Dhexe iyo isbadeladii baaxadda weynaa ee muddooyinka isu dhaw dhaw ka dhacayey mandaqa waxaa u dheeraa Suuriya xidhiidhka dhaw ee ay la lahayd dalka Ruushka oo aan marnaba isbadelin Suuriyana ay hubka badankiisa ka heli jirtay dalkii la odhan jiray Midowga Soofiyati ee Ruushku dhaxlay, iyada oo saldhigii badda ee uu ku lahaa magaalada Darduus ay halkeedii tahay, Ruushkuna ka kulaalo Badda Dhexe.

Arrimahaas oo jira ayaa kacdoonadii ka qarxay dalalka Carbeed waxay isku yaaciyeen dhamaan danihii reer galbeedka iyo reer barigu ka lahaayeen Bariga Dhexe , waxayna dawlado badan oo reer galbeedka ahi dooneen in ay rakaabsadaan gadoodka shacabka Carbeed, iyaga oo hore isaga indha tiri jiray dhibaatooyinka ay madaxda Carbeed ku hayaan shacabkood , isla markaana ilaashanayey danahooda, qaarna waxaa u dheeraa sidii ay u soo ceshan lahaayeen awoodii ay ku lahaayeen dalalka qaarkii sida Faransiiska oo u arkayey in Suuriya ahayd goob uu ka talin jiray, hasa yeeshee muddo dheer gacanta ugu jirtay reer bari iyo Ruush, , dalalka Ruushka iyo Iiraana ay u arkaan Suuriya goob miisaan weyn uga fadhida oo aan marnaba si sahal ah looga fara maroojin karin, iyada oo ay taasi jirto ayaa kacdoonkii Shaam ka qarxay wuxuu boodhka ka jafay arrimo badan oo diiniya.

Goobta Daabiq Iyo Dagaalka Kama Danbaysta ah.
—————————————————————-
Loolanka iyo dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya wuxuu sii huriyey fikradaha kala duwan ee ay Shiicadda iyo Sunnuhu ka aaminsan yihiin deegaanka Shaam , oo mid waliba uu u arko in ay yihiin dhulbarakaysan, waxayna cuskadaan labada dhinacba Axaadiis ku soo aroortay kutubta marjaca u ah, axaadiista waxaa ka mid ah Xadiis ku qoran kitaabka saxiixu Muslim oo uu Rasuulka ka wariyey NNKH Abu Hurayra xadiiskaasi macnihiisu wuxuu odhanayaa Qiyaamuhu dhici maayo ilaa ay Muslimka iyo Kiristaanku ku dagaalamaan goob magaceeda la yidhaahdo Daabiq ama Al-acmaaq , Daabiq waa magaalo u dhaw Xalab , Al-acmaaqna waxay u dhawdahay magaalada Antakiya ee Turkiga, (Muslim Xadiiska 7873) , xadiis kale ayaa isaguna waxa uu odhanayaa waxaa dagaal ku dhexmari doonaa magaalo la yidhaahdo Daabiq isgaashaan-buuraysi Kiristaan ah oo gaadhay 80 Calan , Calankastana ay ku fayshan yihiin 12 kun halkaasna dagaal ku dhexmari doono Muslimiinta iyo Kiristaanka, waxaana guulaysanaya Muslimiinta.

Sidaasi daraadeed waxa ay aaminsan yihiin muhaajiriin badan oo haatan ku sugan Shaam in ay reer Galbeedka iyo isbaahaysigooda haatan Maraykanku hogaaminayo yihiin isbaahaysigii xadiisku sheegay, hasa yeeshee Xadiiska waxaa ku xusan in la furan doono magaalada Qustantiiniya (Istanbuul) sayfanna lagu dagaalamayo, waxaadse moodaa in saadaashi Nabigu(NNKH) hore loosoo arkay , Istanbuulna la furaytay haatana muslimiin ku nool yihiin.

Shiicadda ayaa iyaguna waxay aaminsan yihiin in dagaalo ka dhici doonaan duleedka Dimishiq gaar ahaan goobta loo yaqaano Xarasta , halkaana uu mahdigu ka soo degi doono, Xarastana waa magaalo ku dhagan Dimishiq, aragtiyaha kala duwan ee bariga dhexe huluuqan, waxay keeneen in dad badan oo daafaha adduunka ka yimi isugu yimaadaan taasina ay sii xoojisay loolanka ka taagan Shaam kuwaas oo isugu jira kuwa siyaasadeed iyo aragtiyo diimeed ,loolanka ugu xooga badani uu ka dhaxeeyo dawlado dano siyaasadeed iyo mid diimeedka ku hirdamaya , waxaadna ka dheegan kartaa Ruushku marna wuxuu ilaashanayaa Suuriya oo saldhigyo uu ku leeyahay marna wuxuu kula dagaalamayaa fikirka diiniga ah isaga oo u arka in ay noqon karto goob ay Shiishaaniyiintu weerar mustaqbalka kaga soo qaadi karaan haday dhulka la wareegaan xooggaga hadda dagaalka ka wadaa.

Sucuudiguna wuxuu arkaa Suuriya oo ay Sunniyiinta u badan gacanta ku dhigaan in ay guul u tahay, Iiraan iyo Xisbullaha iyo shiicadda Ciraaqna laga guulaysan karo.

Iiraana waxay aragtaa Suuriya oo gacanteeda ka baxdaa in ay guul darro weyn u soo hooyatay, dawladaha reer galbeedkuna waxay dareen san yihiin Suuriya oo isu bedesha dawlad itaal daran waxay dani ugu jirtaa Israa’iil oo iyaduna horaantii kacdoonka u arkaysay in dani ugu jirto hasa yeeshee xilligan u aragta in dani ugu jirto in Calawiyiintu sii joogaan Suuriya, dareentayna haddii ay ka baxaan kaalintan Calawiyiintu in ay badali doonaan xooggaga Daacish iyo Dawla Al-islaamiya oo aan marnaba aysan nabad galyo ku helayn siday ugu noolayd 40 sanno iyaga oo haysta Dhul.

Su’aashii ahayd Suuriya Maxay Uga Duwan Tahay Dalalkii Isbadeladu Ka Dhaceen?

Waxaa hubaal ah in Suuriya markasta ka duwan tahay dalalkii Carbeed ee kacdoonku ka dhacay, iyada oo ay kaga duwan tahay arrimahaan kor ku soo xusnay , ayaa haddana waxaa ugu sii mihiimsan qawmiyahada kala duwan ee ku dhaqan oo aan ka jirin inta badan dalalka carbeed , Suuriya waxaa ku nool Sunni, Shiici, Durusi, Kiristaan,Kurdi , Ashuri, Musabtaani, Turkumani, Armani, Sarkashi iyo qawmiyado kale oo badan, raadka ay ku yeelatay Yurubna waxaa keenay u dhawaanshaha ay Suuriya u dhawdahay qaaradda , loolankii quwadaha ku hirdamaya dalka oo sii daba dheeraatayna ay keentay in malaayiin dad ahi dalkii ka qaxaan Yurubna u hayaamaan , taasina ay keentay saamayn weyn oo uu dagaalka Suuriya ku yeeshay qaaradda Yurub, dhibaatada ka taaganna dunida aad laga hadal hayo.

Asad Adaani Ibrahim.

Comments are closed