Warbixin: Somalia Oo Hoggaanka u Qabatay Waddamada Adduunka Ugu Musuqmaasuqa Badan
Berlin:May,31,2015(SDN/QJ)-Hay’adda Caalamiga ah ee Transparency International, ayaa soo saartay Warbixin Cusub oo ay ku sheegtay in Somali hoggaanka u hayso waddamada Musuqa ugu badani uu ka dhaco.
Hay’adda Transparency International ee fadhigeedu yahay Germany, ayaa Soomaaliya ku tilmaantay dal ku caan-baxay Dilkii Askarta Mareykanka, Diyaaradihii lagu soo riday Muqdisho ee Blackhawk Down, Budhcad-badeed & Qabiil ku loolamaya Awooda.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aanay ka jirin Dowlad xoogan, oo Isla-xisaabtan ku dhisan, islamarkaana ay Hogaamiyaasheeda yihiin kuwa lunsada Dhaqaalaha uu Caalamka ugu deeqo Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladihii ka horeeyay ee KMG ahaa ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen Musuq-Maasuq Maaliyadeed & ku tagri-fal dhanka awoodda ah.
Caalamka wuxuu Soomaaliya siiyay Labadii Sano, ee ugu danbeeyay Malaayiin doolar, oo illaa hadda la ogeyn Meel ay ku baxeen, iyadoo Ciidanka aan MushaHar laga siin, Wadooyinka, Iskuuladda lagu dhisin iyo Amniga oo aan lagu sugin.
Wali ma muuqato wax la odhan karo waa ifafaale meesha looga yarayn karo musuqa iyo xatooyada Hantida umadda somaliyeed lagu hayo, waxana la filayaa inay sii laban-laabmi doonto.
SDN/QJ