Warbixin: Rajo Ganacsi ayaa Ka Dhalatay Socdaalkii Obama ee Itoobiya
Washington 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Sanadkii 1903 Wadanka Maraykanka iyo mid ka mid ah dalalka aduunka ugu faca weyn oo ah Itoobiya waxay samaysteen xidhiidh, xiligaa Boqorkii Itoobiya Emperor Menelik waxa uu xidhiidhkaa ku qeexay “ Bilowgii xidhiidh raad ku yeelan doona taariikhda’ sida uu caddeeyey Professor Negussay Ayele oo ka tirsan Cornell University oo ka hadlay munaasabad loo qabtay sanadguuradii Boqol iyo Tobnaad ee ka soo wareegtay bilowga xidhiidhkii labada dal
Wargayska Addis-Fortune oo Warbixintan baahiyey ayaa daabacay in Xidhiidhka taariikhiga ah ee Labada Dal uu Todobaadkan la kulmay dhacdo cusub oo ah socdaalkii u horeeyey ee Madaxweyne haya xilka Madaxweynanimo ee Maraykanku uu booqasho ku yimid Dalka itoobiya, booqashadaas oo ka dambaysay socdaalkii uu Madaxweyne Obama ku tegay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Kenya.
Xidhiidka Maraykanka iyo Itoobiya waxa uu boqol sanadood ka hor ku bilaabmay dadaalkii uu sameeyey Ambassador-kii Maraykanka u fadhiyey Magaalada Paris Robert P. Skinner oo ogaaday faa’iidada iyo qiimaha ay leedahay xeebta badda cas oo xiligaa ay itoobiya qayb ku lahayd, taasina waxay keentay in Madaxweynahii maraykanka ee Theodore Roosevelt uu guddi u diro Emperor Menelik, sanadihii xigayna labada dal oo dhanka baayacmushtarka iskaga xidhnaa waxay yeesheen iskaashiyo dhanka ciidamada ah
Muddo hal qarni ah ka bacdi haatan dawlada Maraykanka oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee qorshaha lagu magacaabo la dagaalanka argagixisada waxay weli raadinaysaa kobcinta maalgashiga ay itoobiya ku leedahay.
Hay’adda Maraykanka u qaabilsan iskaashiga maalgashiga madaxa banaan ee wadamada badaha ka tallowsan America’s Overseas Private Investment Corporation (OPIC) ayaa qayb ka qaadanaysa sidii loogu suurogelin lahaa dadka Maraykanka gaar ahaan kuwa asalkoodu ka soo jeedo Itoobiya inay maalgashi ka furtaan Wadanka Itoobiya, iyagoo lacago daymo ah ka helaya hay’adan.
.Caqabadaha dhanka maalgashi ee hore u soo waajahay labada wadan waxaa ka mid ahaa iyadoo sanado ka hor sharciga Itoobiya aanu ogolayn in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay daymo ka helaan dalka dibadiisa iyo iyadoo uu jiray welina jiro kala fogaanshaha awoodda dhaqaale ee labada dhinac.
Muddo kooban ka bacdi waxa kobcay iskaashiga ganacsi ee labada dal iyadoo lixdii bilood ee u horaysay sanadkan 2015 uu ganacsiga dhexdooda ahi gaadhay 834 Milion oo Doolar, iyadoo mudadan gudaheeda uu Maraykanku ka galay kaalinta sideedaad wadamada loo dhoofiyo wax soo saarka dalka Itoobiya sida ay qeexday wasaaradda ganacsiga ee Itoobiya, waxaana qiimaha badeecadaha itoobiya ee Maraykanka loo diraa uu gaadhayaa wax ku dhow 52 Milion oo Doolarka Maraykanka ah sanadkiiba waxana jirta in Wadamada ugu horeeya ee Wax soo saarka Itoobiya qaataa ay ka mid yihiin Holland, Saudi Arabia, Somaliland & Somaliya, China, iyo Germany.
Xiligan 210 shirkadood oo dhanka Maalgashiga ah oo Maraykanku leeyahay ayaa haysta laysanka ay ku maalgashan karaan kheyraadka itoobiya, kuwaas oo ay weheliyaan 934 shirkadood oo Laga leeyahay Dalka China, 578 shirkadood oo reer Sudan ah, 408 shirkadood oo reer Hindiya ah, 230 shirkadood oo Turki ah iyo 110 shirkadood oo laga leeyahay Boqortooyada saliida cabta ee Saudi-Arabia. Iyadoo boqolaal shirkadood oo kale oo laga leeyahay wadamo kalena ay ka hawlgalaan isla wadankan Itoobiya oo isagu u fududeeyey maalgashadayaasha adeegyada ay ka mid yihiin, Dhulkii ay degi lahayeen, shaqaale jaban iyo quwada tamarta oo qiimaheedu hooseeyo isla markaana joogto ah
Sanadkan gudihiisa Safaaradda maraykanka ee Magaalada Addis-ababa waxay ka hadashay xaalada maalgashi ee Itoobiya waxayna ku dhawaaqday in itoobiya ku haboon tahay maalgashiga Dalka Maraykanka gaar ahaan dhanka wershadaha,
Intii uu Itoobiya ku sugnaa Madaxweyne Obama waxa uu la hadlay madaxda Qaaradda isagoo xasuusiyey in Horumarka Afrika ku xidhan yahay Horumarka dhanka dimuqraadiyadda, waxana Madaxweynaha maraykanku Khudbadii uu ka jeediyey Xarunta midowga Afrika uu shiishka ku saaray koboca ka muuqda dhaqaalaha afrika iyo fursadaha jira ee ay maraykanka iska kaashan karaan, isagoo u soo jeediyey in la helo cunto ammaan ah oo Qaaradu ku xisaabtanto iyo dabka laydh tiriiga oo wada gaadhi kara dadweynaha, taageerona la siiyo ganacsatada reer Afrika, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi Obama sidan: ‘ Xidhiidhka dhanka dhaqaaluhu uma fududa wadamada kale ee aan kaabayaasha dhaqaale u samayn Karin shaqaalaha ajaanibka ah ama soo saarka kheyraadka qaaradda Afrika, wax wada qabsiga dhabta ah ee Afrika lala yeelanayaana waa mid ku imanaya heshiis wacan oo lala galo Afrika, iyadoo shaqo loo abuurayo dhalinyarada qaaradda, taasina waa hab dhaqameedka u gaarka ah Maraykanka” hadalkan oo la aaminsan yahay in Madaxweyne Obama ula dan lahaa wadanka shiinaha oo uu kala dhexeeyo tartan dhaqaale oo caalami ah iyo mid maalgashi oo Qaaradda Afrika ah.
Washington waxay Todobaadkan badhtimihiisii ku dhawaaqday adduun dhaqaale oo gaadhaya 140 Milion oo Doolarka Maraykanka ah oo ay ugu talo gashay maalgalinta mustaqbalka ee beeralayda 11 Wadan oo Qaaradda Afrika ah, maalgelintan oo ay ka faa’iidaysan doonaan shirkadaha afrika mudada sadexda sanadood ah ee soo socota.
Gebagebadii iyadoo lugtii u horaysay ee socdaalkiisa Afrika uu Madaxweyne Obama ku maray dalka Kenya oo uu kaga qayb galay shirweynihii caalamiga ahaa ee ganacsiga, Xukuumada dalkaasna ku ammaanay xalinta khilaafaadkii qabaliga ahaa ee wadankaa ka dilaacay sanadkii 2007, wadanka Itoobiya iyo Midowga afrikana kala hadlay hirgelinta arimaha furaha u ah horumarka qaaradda ayaa socdaalkiisu ka tegay rajo Ganacsi iyo mid Baayacmushtar oo uu wadankiisu la sii balaadhinayo Dalalka bariga Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.