Warbixin muujisay in Soomaalida Australia dhibaato kala kulanto Qaadka
Perth Feb 08,2012(qurbejoog.com)-Warbixin dhawaan ay daabacday Jaamacad ku taal dalka Australia ayaa lagu sheegay in Soomaalida dalkaa ku nool dhibaato ku qabto isticmaalka Qaadka.
Warbixintan oo ay qortay macalimad wax ka dhigta Jaamacada Queensland Heather Douglas ayaa waxa ay daraasad ku sameysay habdhaqanka dadka cuna qaadka oo tiradooduna aheyd ilaa 19 kooxood oo magaalooyin kala duwan kala jooga.
Prof Heather Douglas ayaa sheegtay in aaney hore ula socon Qaad iyo waxa uu yahay balse ay ogaatay kol ay maqashay Haweeney Soomaali ah oo leh Odeygeygu gacanta ayuu ii qaadaa kolka uu cuno Qaadka,ka dibna ay baarid ku sameysay.
Prof Heather waxa ay sheegtay in ay la yaabtay in Haweenka Soomaalidu ay aad u cunaan qaadka beryahan danbe iyo in Qaadka ay cunaan uun dadka ka soo jeeda Geeska Africa.
Qaadka taga dalkaasi ayay Macalimadu sheegtay in uu gebi ahaan ka yimaado dalka Itoobiya.
Dadka ka qeybqaatay baaritaankan ayaa sheegay intooda badani in kolka ay Qaadka cunan in ay dareemaan firfircooni badan,halka qaar kalena ay sheegeen in wadida gawaadhida dhibaato kala kulmaan.
Mid ka mida raga ka qeybqaatay baarida ayaa sheegay in Qaadku keeno xanuunada dhimirka isla markaana hadii ruuxu joojiyo ay dhici karto in uu ka dawoowo.
Madaxa urur ay leeyihiin dadka laga tirada Suresh Rajan oo qudhiisu ka qeyb qaatay baaritaanka ayaa sheegay in Qaadka la mamnuuco ay caawin leheyd bulshada Soomaalida ee Australia.
Dalka Australia ayaa degaano ka mid ahi Qaadka si sharci ah loo geeyaa halka degaanada qaarna uu mamnuuc ka yahay.
Qurbejoog-Perth
contact@somalidiasporanews.com