Warbixin Murugo Iyo Naxdin Badan Oo La Darisa Kuna Gadaaman Danyarta Xaafada Sheekh Cumar DAAWO
Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Xaafadda Sheekh Cumar oo ku taalla koonfur galbeed ee magaalada Hargeysa, waxaa deggan qoysas intooda badani ay yihiin dad danyar ah oo awoodooda dhaqaale ay hooseyso, lagana soo kala raray xaafado kala duwan oo ku yaala gudaha magaalada Hargeysa.
Wariye Khadar Maxamed Xaashi, oo ka tirsan wargeyska Dawan oo booqday xaafadda Sheekh Cumar una kuur galay duruufajha nololeed ee ka jira xaaladddan iyo adeegyada ay u baahan yihiidn dadweynaha xaafadaasi,ayaa ka diyaariyay Warbixintan.
Xaafadani waxay goobtan laga yagleelay oo ay ahayd degaan la deggan yahay muddo ku siman lix sannadood, waxay gabi ahaanba ka arradan tahay waxyaabaha tiir-dhexaadka u ah nolosha aadamaha iyo adeegyada asaasiga ah ee nololeed, waxaana heysta shaqo la’aan, cuno yari, hoy xumo iyo biyo yaraan.
Inta badan bulshada ku dhaqan xaafadda Sheekh Cumar ayaa qoys waliba waxa uu degen yahay guri jiingad ah oo ka kooban hal maqsin, kaasoo aan lahayn haba yaraatee sibidh iyo siliig toona, sidaa darteed maadaama qoyska ugu yari uu ka kooban yahay lix caruur ah, aabahood iyo hooyadood, qaarkood baa dibedda seexda, qaar kalena qoysas guryo cidhiidhiya ku jira ayay dul saar ku yihiin sida ay ii sheegeen dadweynaha xaafadaasi deggan oo aan wax ka waydiiyay noloshooda
Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirta, sidoo kalena korontadu joogto maaha, xaafadaha qaar waxa ku xidhan dad qaba xanuunnada maskaxda ku dhaca iyo kuwo kale oo la il daran xanuunno soo ritay oo bukaan jiif ah, kuwaasoo aan wali helin daryeel caafimaad, ka dib markii ay awoodi waayeen dhaqaale ay ku tagaan dhakhaatiirta, waxaana dadkaasi dushooda ka muuqda arrad ba’an.
Dadka xaafaddan deggani waa dad aan is jeeb dhaamin islamarkaana isuma ciir-sato ah, oo aan qoysna qoys xadhaadhineyn, dabkana u shidi karin.
Dadweynahan oo aanu ka waraysannay xaaladooda nololeed, waxay noo sheegeen oo si isku mida ay uga wada marag kaceen in aanay guryahan ay ku jiraan qabow iyo kuleyl midna ka celineyn, waxaanay xuseen in kuleylka cadceedda iyo dhagxaanta buurtu ay isugu biirsameen una baahan yihiin in dawladdu hoos u eegto loona dhiso guryo kuwan ay ku noolyihiin dhaama.
Dhanka kale xaafadani malaha iskuul (Secondry) ah amase dugsi sare, waxaana caruurta ciyaal iskuulka ah ee xafadaasi deggan ee wax ka barta dugsiyada ku yaala xaafadaha kale ee magaalada Hargeysa, waxay soo raacaan, gaadhi ay ku caawisay, wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyada Somaliland, halka badhkood hadii ay yar habsaamaan oo ay soo gaadhi waayaan gaadhigaasi, ay soo lugeeyaan, iyaga oo wax ka barta dugsiyada Faarax Oomaar, 26-jun iyo waliba Gacan libaax iyo meelo kale, waxa kale oo aan isaguna wali dhameystirreyn dugsigii hoose dhexe oo intiisa badani ay qabyo tahay walina gacanta lagu hayo. Taasi waxay dhaxal-siisay dhalinyaradan iyo qoysaskoodaba inay qaarkood iskaga hadhaan waxbarashadii maadaama ay tahli kari-waayeen bas raacii oo ay noqdaan qaar guiryaha iska jooga.