Warbixin Mareykanku Qoray oo farta ku fiiqday in Xawaaladaha Soomaalidu in ay maalgelinayeen weerarada Argegixisadu ku heyso Kenya
Nairobi April 19,2015(SDN/QJ)-Warbixin ay daabacaday Ha’yada Mareykan ah oo la yiraahdo United States’ Bureau for International Narcotics and Law Enforcement Affairs ayaa lagu sheegay in Xawaaladaha Soomaalida ee Kenya ka furan in ay maalgeliyaan Argegixisada weerarka ku heysa Kenya.
Warbixintan ayaa la daabacay dhamaadkii Bishii March, waana sababta Kenya ay xawaaladaha u xanibtay weerarkii dhawaanta lagu qaaday Jaamacada Garisa.
Warbixinta ayaa sheegtay in Xawaaladaha oo faraha ka batay iyo itaal darada shuruucda dalka Kenya ay keentay in la xakameeyo cida isticmaaleysa Xawaaladaha Soomaalida.
Warbixinta ayaa ka gaabsatay in ay magacawdo Xawaaladaha Argegixisadu isticmaasho balse waxa ay sheegtay in ay jirto walaac ka dhashay xawaaldaha sii tiro badanaya ee Kenya ka furan.
Warbixinta ayaa dhinaca kale walaac ka muujisay guud ahaan nidaamka maalgelinta ee dalkaasi iyo guud ahaan geeska Africa.
Warbixinta oo ku qoran afka ingriisida halkan hoose ka akhriso.
http://www.qurbejoog.com/2015/04/19/us-report-warned-of-links-between-somali-hawala-banks-and-terrorism-to-kenya/
SDN/QJ-Nairobi