|

Warbixin La Xidhiidha Weerarro Saraakiil Xisbiga Waddani ka tirsan lagu qaaday & Booliska oo ka Meeraysay Soo Qabashada Cidii Falkaas ku Lugta lahayd DAAWO

Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):-Xubno ka tirsan Masuuliyiinta xilalka ka haya Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo sheegay in Sadexdii Habeen ee u danbeeyay ay soo Weerareen Dad aanay aqoonsan Cida ay Yihiin, isla markaana dhaawacyo fudud oo kala duwan ugu geysteen gudaha magaalada Hargeysa goobo kala duwan oo ku yaalla, ayaa Ciidammada Booliska Somaliland ka hadleen tallaabada ay qaadeen iyo sida ay wax uga qabanayaan Kiisaskaas.


Xoghayaha Garabka Cadaaladda Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi iyo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbigaas Maxamed Sidiiq Dhame, ayaa Sadexdii Cisho ee u danbeeyay Todobaadkan dhamaaday Weeraro loogu gaystay Goobo Kala Duwan oo Magaalada hargaysa ay sida ay sheegeen, waxaanay intaas ku dareen in dhaawacyo fudud oo kala duwan loo geystay jidh ahaan, halka Dhame sheegey in Gaadhigii uu watay markii la wareeray habeen hore Bakoorado lala dhacay oo la waxyeelleeyey, waxaanay intaas ku dareen inay Kiiskooda u gudbiyeen Ciidanka Booliska.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo isaguna Magaalada hargaysa kula hadlay Saxaafadda,waxaanu sheegay in Boolis ahaan Kiisaskaas la soo gaadhsiiyey, isla markaana ay tallaabo qaadeen oo ay tageen goobihii lagu weeraray si ay xog dheeraad ah uga heli karaan. Waxaanu intaas ku daray inay baadhitaan ku samaynayaan Kiisaskaas weerarka ah oo aanay Xubnaha Waddani ka tirsani tilmaamay magac ahaan iyo weji ahaan toona Dadka weeraray.

Haddaba, Warbixin uu Weriye Maxamed Gurraase oo ka tirsan Telefeshinka Horn Cable uu ka diyaariyey Saraakiisha Xisbiga Waddani ka tirsan ee ee dhaawacyada loo geystay sida ay wax ugu dhaceen iyo Afhayeenka Booliska oo ka hadlay tallaabada ay qaadeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed