|

Warbixin Kooban: Kuma Ayuu Ahaa Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka?

Virginia 21, August, 2016- (SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenkii hore ee dawladii milatariga aheyd ee Somaliya Maxamed Cali Samatar ayaa ku geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Maxamed Cali Samatar ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala dalka maraykan kaasi oo loo dhigay xaalada Caafimaad maalmihii u dambeeyay.

Jeneraal-Maxamed-Cali-SamatarMaxamed Cali Samatar wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliya, waxaa lagu xusuustaa amaradii uu siiyay ciidamadii milatariga ahaa dawladii Somaliya markii ay ka dagaalamayeen Gobolada Waqooyi, kuwaasi oo dad badan ku xasuuqay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.

Marxuum waxaa la sheegaa inuu ahaa sarkaalkii ka dambeeyay In diyaarad  lagu weeraro shacabkii ka baracakayay magaalada Hargeysa, diyaaradaasi oo inta ay magaalada Hargeysa ka kacday kadibna dib u duqeysay  isla magaaladii ay ka kacday   islamarkaana galaafatay Nolosha dad badan oo maati ahaa.

Maxamed Cali Samatar,  oo da’diisu ahayd 85jir waxaa uu xidhiidh dhaw la lahaa madaxwaynihii hore ee dawlada Somaliya Siyaad Barre kaasi oo siin jiray tallooyin badan oo dawladii milatariga somaliya ku dhacday sida ay dad badani sheegaan.

Kadib dagaalo sokeeye oo Maxamed Cali Samatar iyo Dawladii Siyaad Barre,  hogaaminayeen ay ka dhigeen Dalka Somaliya waxaa uu marxuumku u guurey dalka Maraykanka, halkaasi oo uu ku noolaa muddadaasi Somaliya ku jirtay Burburka iyo dagaalada.

Sanaddii 2010kii ayaa muwaadiniin reer Somaliland ah dacwada kaga fureen Maxamed Cali Samatar dalka Maraykanka kuwaasi oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay xasuuqii dawladii Siyaad Barre ka gaysatay Gobolada Waqooyi ee maanta la yidhaa Somaliland.

 

Dacwadaasi Maxamed Cali Samatar,  waxaa uu sheegay inaanu isagu masuul ka ahayn, dadka dacwada ku oogayna waxaa uu ku tilmaamay inay siyaasad isku qabteen ee aanu jirin Xasuuq uu gaystay.

Maxamed Cali Samatar,  waxaa uu xilka madaxwayne ku xigeen, Wasiirka Gaashaandhiga, Talliyaha Ciidanka Qalabka Sida iyo xilalka kale  kasoo qabtay dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre.

Shacabka Reer Somaliland oo baraha Bulshada aad ugu falanqaynaya  geerida marxuum Maxamed Cali Samatar waxay ku sifeeyeen geeri Somaliland  Guul u ah ,  maadaama uu ahaa bay yidhaahdeen sarkaal Xasuuq daran u gaystay Shacabkii Maatida ahaa ee reer Somaliland wakhtiyadii dagaalada sokeeye ka socdeen Somaliya .

Laakiin, Shacabka  Somaliya waxaa ay geerida Maxamed Cali Samatar, ku tilmaameen Geesi ka baxay ummada Somalida, waxaana tacsi u diray Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cabdirashiid Cumar Sharmaake.

Maydka Marxuum Maxamed Cali Samatar waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Muqdisho la keeno halkaasi oo loogu sameynayo Aas Qaran.

Comments are closed