Warbixin ka hadashay sida Hantida Burcad-badeedu u kobcisay dhaqaalaha Puntland
London Jan 13,2012(qurbejoog.com)-Baaritaan ay sameysay Xarunta Chatham House ee saldhigeedu yahay dalka Britain ayaa lagu sheegay in degaanada Soomaaliya ka mid ahi ay dhaqaale ahaan uga faaideysteen halka qaar kalena aaney ganbo ka helin.
Warbixinta ayaa tibaaxeysa in magaalooyinka waaweyn ee maamul goboleedka Puntland ee Garoowe iyo Boosaaso ayaa u muuqda in ay laba laabmeen intii u dhexeeysay sanadihii 2002dii ilaa 2009kii.
Sidoo kale Xarumaha Burcadu weerarada ka abaabusho ee Eyl iyo Hobyo ayaaney wax isbedelahi oo muuqda aanu ka hirgelin isla sanadaahaasi.
Anja Shortland oo isku dubo riday baaritaankan ayaa sheegtay in kolkii ay eegtay sawiro laga qaaday dusha ay u muuqatay in magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo saaid ah xiliyada habeenkii ah iyo leydhadh baxa xiliyada habeenkii oo micneheedu yahay kororo dhaqaale oo halkaa ka jira.
Warbixintu waxa ay sidoo kale tibaaxeysaa in badi aqalada ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Puntland la dayactiray dhawaan isla markaan ay badankooda hor yaalaan gawadhi.
Warbixinta ayaa xustay in lacagaha madax furashada Burcadu ka hesho in loo qeybiyo qeybo badan oo bulshada ka mid ah iyada oo loo marayo hanaanka Qabaailka.
“Madaxada Puntlandna markaa suurto gal ma aha in ay burcad badeed in ay wax ka qabato”
Warbixinta ayaa sheegeysa in mushaharooyinka magaalooyinka waaweyni ay kor u keceen intii burcad badeednimo ay ka taabo gashay Puntland.
Ciidamada caalemiga ah ee ka hawlgala xebaha baddda Cas ayaa horjoogsaday weeraro laga qaado degaanada halkaa ku yaal.
Si kasba ha ahaatee waxa gacanta Burcad badeeda ku jira ugu yaraan 40 markab iyo ilaa 400 oo laheysteyaal.
Qurbejoog-London
contact@somalidiasporanews.com