|

Warbixin Idaacada BBC-du ka Diyaarisay u Dhiibistii Qalbi Dhagax ee Itoobiya inuu Gilgilay Quluubta Shacabka Soomaalida

Muqdisho 07. September 2017 (SDN/QJ):- Magaciisu waa Cabdikariim Sheekh Muuse, waxaana lagu naanaysaa Qalbi-Dhagax , taas oo malaha loogu bixiyey calool adeygiisa, balse toddobaadkan wuxuu ruxey quluubta Soomaalida intooda badan, isaga oo noqdey shaqsiga loogu hadal heyn badanyahay baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta intuba.

Haddii ay kuu tahay markii koowaad ee aad maqlaysid magaca Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo sida la sheegay inta dowladda Soomaaliya qabatay, kadibna ku wareejisey Itoobiya.

 

Ma ahayn nin horey caan oga dhex ahaa Soomaalida, marka laga reebo dadka ay isku qaddiyadda yihiin iyo laamaha sirdoonka dalalka geeska Afrika qaarkood oo laga yaabo in ay isha ku hayeen dhaqdhaqaaqiisa.

23-dii illaa 27-dii Agoosto, 2017.

 

Wax kasta waxa ay isbadaleen taariikhda markii ay ahayd 23-dii bishii Agoosto ee lasoo dhaafay, xilligaas oo Cabdikariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacayo, si uu halkaasi uga soo qaado wiil yar oo qaraabadiisa ka mid ahaa sababo caafimaad awgood.

 

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Daahir oo ka tirsan mas’uuliyiinta jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Johannesburg, Qalbi Dhagax waxa uu Gaalgacayo tagay galinkii dambe ee maalintaas, isla habeenkiina waxaa qabtay ciidammada Galmudug.

 

Waxaa dhacday in dadka deegaanka magaalada Gaalkacayo, gaar ahaan dhanka Koonfureed ay aad ugu dadaaleen in Qalbi Dhagax lasoo sii daayo, balse waxaa markii dambe la wareegay ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo usoo duuliyey magaalada Muqdisho.

 

“Markii ay NISA la wareegtay anaga neefta ayaa naga soo fuqday, waxaanan u qaadanay in NISA ay u dhaanto Galmudug, oo uu ku nabad gali doono gacanta dowladda Federaalka oo aan kalsooni aad u badan ku qabnay, balse taas ma dhicin, oo waxaa dhacday nasiib darradii ugu weyneyd oo ah in ninkii loo gacangaliyo Itoobiyo” ayuu yiri Maxamed Daahir.

 

Markii Muqdisho la keenay ayaa waxaa jirey iskudayo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin dowladda federaalka oo ku saabsan in lasoo daayo Qalbi Dhagax, balse waxa ay illo wareedyo kala duwan xaqiijiyeen in taariikhda markii ay ahayd 27-di Agoosto diyaarad loo saaray Itoobiya sida ay sheegtay jabhadda ONLF oo war qoraal ah soo saartay.

 

Mardambe waxaa soo shaac baxay muuqaal la sheegay in laga soo duubay Qalbi Dhagax oo jeebeysan, balse BBC-da ma xaqiijin karto goobta laga duubay iyo waqtiga iyo waliba cidda duubtay. Waxaa muuqaalkan lagu faafiyay shabakada Dalsoor.

 

Waa Kuma Qalbi Dhagax ?

 

Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.

 

Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.

 

Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas’uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay.

 

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayay jabhadda xaqiijisey in uu ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray.

 

Jawaabta Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF.

Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan, gaar ahaan dhacdadii sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF, waxeyna sheegeen in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Warbixinta amniga qaranka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in ay ka doodaan, falanqeeyaan, eegaana dhanka siyaasada iyo dhanka sharciga guud ahaan.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa warbixin dhanka sharciga ah ka siisay golaha wasiirrada ee ku aadan habraacyada muhiimka ah ee Sharciga dalka iyo Heshiisyadii hore oo ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Ethiopia.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Waxaa sidoo kale la horkeenay Golaha Wasiirrada heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Qodobbada Heshiiskaas oo kuwa ugu muhimsan ay ahaayeen “In si buuxda aan isaga kaashanno la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Alshabaab iyo ONLF”.

Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen arrimahan:

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.

2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.

5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.

6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.

Warbaahinta dowladda sida wakaaladda wararka, Raadiyoow Muqdishoow iyo Taleefishinka ayaan iyaguna sooba hadalqaadin dhiibista Qalbi Dhagax xili warka ugu weyn ee warbaahinta kale ay tabineyso uu kaas yahay.

 

Hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa markiiba ka hadashay Qalbi Dhagax waxayna xaqiijisey in ay gacanta ku dhigtey ninkaasi, waxaana intaasi lagu daray in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siisay sida uu idaacada VOA qeybeetda Amxaariga u sheegay Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho.

 

 

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay khiyaano qaran oo la galay in la dhiibo qof Soomaali ah.

 

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Haddii aan nahay baarlamaanka Soomaaliya waan baaraynaa arrinkan, ciddii ay ku cadaatana sharciga ayaa lala tiigsanayaa”.

 

Balse xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isna la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Alshabaab, ayna suurtogal ahayn in cid Itoobiya cadaw ku ah lagu magangaliyo Soomaaliya.

 

Dad aad u badan oo isugu jira ururada bulshada rayidka, qurba-joogta, aqoonyahannada iyo shacabka qeybihiisa kala duwan ayaa dareenkooda ka dhiibtay, waxayna cambaareeyeen waxa dhacay.

 

Baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka ayaa ugu daran meelaha ugu badan ee lagu hadal hayo, muddo labo toddobaad ka badana Qalbi Dhagax waa moowduuca ugu weyn ee lagu faaqidayo barahaasi, iyada oo dadka qaarkood ay sawirkiisa saarteen ciwaankooda.

 

Maxay tahay ONLF ?

 

Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.

 

Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.

 

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.

 

Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya,

 

Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,

 

ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya.

 

Dastuurka muxuu ka qabaa?

 

Aragtida koowaad ee la’isku wada raacsanyahay ayaa ah in aysan meelna sharciga Soomaaliya kaga qorneyn in qof Soomaali ah oo gudaha dalka ku sugan loo dhiibo dowlad kale.

 

Qodobka 36-aad ee dastuurka ayaa si kooban oga hadlaya isu celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha ee dalalka kale, wuxuuna shuruud ka dhigayaa in uu marka hore jiro heshiis ka dhaxeeya labada dal in ay isu celiyaan maxaabiis, isu celintana ay ahaataa mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

 

Ma jiro wax heshiis ah oo la ogyahay oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay isugu celiyaan eedeysanayaal ama maxaabiis, hase yeeshee 22-kii bishii Luuliyo ee sannadkan 2017-ka ayaa dowladda Soomaaliya waxay lasoo wareegtay maxaabiis gaaraysa 114 oo Soomaali ah oo ku xirnaa xabsi Itoobiya ku yaalla , waxaana dadkaasi oo dambiyo yaryar loo heystay,

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ololaha doorashada ku galay illaalinta xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuu ololihiisa iyo balanqaadyadiisa ku salaysnaayeen waddaniyad iyo illaalinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya.

 

Waana sababtaasi tan ugu badan ee ay dadka cuskanayaan marka ay aragtiyadooda dhiibanayaan, iyaga oo ku baaqaya in madaxweynaha uu arrintan ka hadlo, wixii laga qaban karana uu ka qabto.

 

Waxaa kale oo jira baaqyo loo dirayo labada aqal ee baarlamaanka in ay fadhi ka yeeshaan Qalbi Dhagax , go’aamana kasoo saaraan, laanta fulintana ay ku qasbaan in ay ka jawaabto sida ay wax u dhaceen.

 

Dadka baaqa u direy madaxda dowladda waxaa ka mid ah xaaska Qalbi Dhagax oo lagu magacaabo Khadro Maxamed Cabdi xili ay la hadashay warbaahinta, waxayna ka dalbatay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha in ay xoriyadiisa dib ugu soo celiyaan seygeeda.

 

Xigasho: BBC

Comments are closed