|

Warbixin Daaha ka Rogtay Jeelal Qarsoodi ah oo Ku Yaala Dalka Yemen oo Lagu Ciqaabo Maxaabiista

Sanca 27. May 2017 (SDN/QJ):- Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda bani’aadamka ayaa soo saaray warbixin sheegaysa in Jeelal qarsoodi ah oo ku yaala dalka yaman loogu gaysto maxaabiista xadgudubyo arxandaro ah  oo gaadhsiisan ilaa dil.

 

Warbixintani waxa ay soo baxaday markii ay haya’daha xuquuqda aadamuhu kulan ku yeesheen magalada Jineefa ee dalkan IswisarLaand labadii cisho ee u danbeeyay todobaadkan.

 

Hase yeeshee afhayeen u hadlay hay’adaha xuquuqda adamaha Mr. Nabiil Baydaani, ayaa sheegay in xukuumada Madaxwayne Cabdi Rabo maansuur, ay ku leeyihiin magaalada Cadan xabsiyo sir ah oo lagu ciqaabo maxaabiista dagaalada lagu soo qabto, halka maleeshiyada Xuutiyiintu ay iyaguna ku leeyihiin caasiamada wadankaasi ee Sanca jeelashaasi oo u muuqda mid dadka lagu laayo oo lagu kala aargoosto.

Comments are closed