|

Warbixin Daaha Ka Faydday Saldhigyo Qarsoodi ah Oo Maraykanku Ku Leeyahay Goobo Ku Yaalla Koonfurta Somalia

New York:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Warbixin cusub oo uu Baahiyey Wargeyska loo yaqaanno Foreign Policy ee Dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay Dawladda Maraykanku Koonfurta dalka somalia ku leedahay laba xarumood oo laga abaabulo weerarrada qorshaysan ee lagu qaado Kooxda Al-shabaab.

jecoreSaldhigyadan  oo ay fadhiyaan Ciidamo maraykan ah, ayaa ku kala yaalla Kismaayo iyo garoonkii hore Cirka ee Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana ku sugan ilaa 120-saraakiil ka tirsan milateriga Mareykanka.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in sababta loo sameeyay saldhigyadan ay tahay sidii diyaaraddaha nooca aan duuliyaha lahayn ee drones-ka howlgalo si fudud uga fuliyaan Soomaaliya, iyadoo markii hore ay masaafo dheer ka iman jireen.

Masuuliyin ka tirsan maamulka Jubba oo katirsan maamullada Somalia, ayaa u xaqiijiyey weriye ka tirsan Wargeyska oo la kulmay in mid kamid ah saldhiga uu ku yaallo meel ku dhow garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo isla markaana diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ay runway-ga ama dhabaha diyaaraddaha ku ordaan inta aanay kicin adeegsadaan, waxaana la sheegay in mararka qaarkood dhacdo in la joojiyo duulimaadyada caadiga ah.

Cabdiqani Cabdi Jama oo sheegtay inuu yahay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maamulka Jubba Lanad, ayaa u sheegay wargeyska in saldhiga loo isticmaalo howlgalada ka dhanka argagixiisada isla markaana lagula socdo dhaq dhaqaaqa mintidiinta al-Shabaab oo ku sugan qeybo badan oo kamid ah gobolada Jubbooyinka ee dalka somalia.

Saraakiisha sare ee milateriga Mareykanka ayaan si cad u sheegin in ay Soomaaliya geeyeen diyaaraddaha drones-ka ee aan cidna wadin balse marar badan ay duqeymo la beegsadeen xubno sare oo ka tirsan al-Shabaab, iyadoo markaas ay kasoo duuleen saldhigyada milateri ee Mareykanka ku leyahay Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii hogaamiyihii al-Shabaab Ahmed Abdi Godane lagu diley weerar dhinaca cirka ah oo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay fulisay, Maraykanku leeyahay.

Saldhiga Mareykanka ee qaaradda Afrika oo loo yaqaano AFRICOM ayaa Afhayeen u hadlay ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada saxda ah ee ciidamada iyo saraakiisha ku sugan labada saldhig, iyadoo aanu beenin jiritaanka saldhigyada isla markaana diidey in uu bixiyo faahfaahin ku saabsan hirgelinta saldhigyadan.

Saldhiga ku yaalla garoonka Bali-doogle ayaa badana loo adeegsada weerarada cirka ee ka dhanka al-Shabaab iyo weliba tabbabaro lagu siiyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka somalia, waxaana wargeysku uu xaqiijiyey saraakiil ka tirsan AMISOM oo si hoose ula hadlay maadaama aanay fasax u haysan in warkaan bixiyaan.

Tan iyo 2007-dii Mareykanka ayaa lacag balaayin doolar  ahi kaga baxday arrimaha Soomaaliya, waxaana lacag gaadheysa hal bilyan uu ku taageeray howlgalka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM, iyadoo lacag gaadheysa $955 milyan uu siiyey Hay’addaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Bani’aadam-nimada ah ka wadda Gudaha Waddanka Somalia.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed