Warbixin Daaha Ka Faydday Kala Sarraynta Meeqaamyada Baasaboorrada Caalamku Dunida ku Leeyihiin iyo Dalalka Geeska Afrika Oo Meelaha Ugu Hoosaysa la Dhigay
Washington:June,05,2015(SDN/QJ)-Warbixin xiiso badan oo ay Maalintii shalay soo saartay Hay’adda Socdaalka Adduunku, isla-markaana lagu daabacay wargayska socdaalada aduunka ayaa lagu sharraxay sida Baasaboorrada Dalalku ukala mudan yihiin, iyadoo la taxay sida ay tixgelinta ukala leeyihiin.
Warbixintan, ayaa wax aka muuqda waxyaabo yaab badan, iyadoo dalal dunida awoodo iyo saamayn badan ku lihi kaga jiraan Meelo hooseeya, halka qaar aan sidaas loo tixgelinini kaga jiraan Meelo sare.
Dalalka Meelaha Hoose la dhigay, ayaa waxa kamid ah Waddama Djibouti, Ethiopia, Afghanistaan, Nepal, kuwaas oo hoos maray Waddamo aan Dunida karaamo badan ku lahay.
Waddanka aynu jaarka nahay ee Somalia, ayaa iyagu derejo ahaan ka sarreeya Dalalka Djibouti iyo Ethiopia, waana waxyaabaha warbixintan Xiisaha u yeellay.
Haddaba kala sarraynta oo aanu goobo kooban uun idiinka soo qaadnay, ayaa sidatan u dhacday, iyadoo dalalka intii isku derejo ahba la is raaciyey oo Hal number la siiyey.
1. USA, UK (147)
2. France, South Korea, Germany (145)
3. Italy, Sweden (144)
4. Denmark, Singapore, Finland, Japan, Luxembourg, Netherlands (143)
5. Switzerland (142)
6. Spain, Norway, Ireland, Belgium, Portugal (141)
7. Canada, Greece, Austria, Malaysia (140)
8. New Zealand (139)
9. Australia, Czech Republic, Hungary (138)
10. Poland, Slovakia (137)
Dalalka Somalia iyo Eretria, ayaa Kaalinta 77-aad wada galay, halka Kaalinta 78-aad oo kasii dambaysana ay galeen waddamada
Iraq 38
Afghanistan 38
Nepal 38
Ethiopia 38
Djibouti.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com