Warbixin Caalami ah oo Kashiftay Shirkad ay Xukuumadda Somaliland u xidhay Kalluunka Baddeeda
Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa la xaqiijiyey inay gaar ugu wareejisay xuquuqda Kalluumaysiga Badaha Somaliland iyo bixinta Liisammada Kalluumaysiga Shirkad laga leeyahay Ingiriiska oo hore heshiis ula gashay Soomaaliya.
Sida lagu shaaciyey Warbixin Guddiga ilaalinta Cuno-qabataynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea dhawaan soo saareen, ayaa lagu sheegay in Shirkad magaceedu yahay Anglo Somaliland Resources Limited (ASR Ltd.) 04 August, 2015 la saxeexatay heshiis rasmi ah oo loogu oggolaaday inay yeelato xuquuqda ka Kalluumaysiga Badada Somaliland, isla markaana ka sii iibiso Liisamada Kalluumaysiga Badda Shirkadaha kale xiisaynaya.
Qoraalka Hay’adda, ayaa lagu sheegay in heshiiskan oo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) saxeexay beddelkeeda Xukuumada Somaliland u qaadatay xaqul-qalin $500, sidoo kale $2,000 (laba kun Doollar) sannad walba ka heli doonto ASR Ltd. iyo saami gaadhaya boqolkiiba 40% iibka Liisammada Kalluumaysi ee Shirkaddaasi gasho.
Shirkadda Anglo Somaliland Resources Limited oo Wargeyska Himilo baadhitaan ku sameeyey Xogteeda, ayaa Warbixinteeda ku ogaannay inay tahay mid magac ahaan keliya u diiwaangashan, balse aan waaya-aragnimo iyo khibrad shaqadan lagu wareejiyey ama qaar kale oo hore ay u soo qabteen aanay jirin, isla markaana la aasaasay 26 February, 2015.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Shirkaddan oo ah Xildhibaan Ingiriis ah Mr. Tony Baldry, ayaa hore heshiis isfaham ula saxeexday sannadkii 2013 ula saxeexday Xukuumadda Soomaaliya, isagoo metelayey Rugta Ganacsiga Yurub iyo Soomaaliya.
Haddaba, Heshiiska Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badaha ugu wareejisay Xuquuqda dhammaan Hawlaha Kalluumaysiga Badaha Somaliland iyo ka sii iibinta Liisammada ciddii ay doonaan Shirkad aan khibrad iyo waaya-aragnimo hore u lahayn oo saamayn ku yeelan doonta kheyrraadka dalka ayaan isku-deynay inaannu faahfaahin dheeraad ah ka helo Masuuliyiinta ay khusayso.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Mr. Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-guray) oo Wargeyska Himilo xidhiidh ula sameeyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka weydiinno tafaasiisha heshiiskan iyo danta ugu jirta Somaliland, ayaa afka ka xidhay inuu ka hadlo, kuna jawaabay; “Maxaad adigu u danaynaysaa heshiiskan? kaaga jawaabi maayo..No Comment!.” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdi Axmed Nuur.
Sidoo kale, Saxeexa Wasiirka Kalluumaysiga Mr. Cali Jaamac Faarax ee heshiiskan oo goob-joog ka ahaa Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, sida muuqaalka laga helay Shirkadda ASR Ltd caddeynayo, la sheegayaa inuu horraantii sannadkan kula kulmay Guddoomiyaha Anglo Somaliland Resources limited Mr. Tony Baldry magaalada London, kana codsaday inuu booqasho ku yimaaddo. Inkasta oo aannu Wasiirradan isku daynay inaannu wax ka weydiinno warkan, haddana noomay suuragelin inaannu ku helno wax war ah, ka dib markii aannu la kulannay Taleefannadooda oo xidhan ama demsan marar badan oo xalay aannu wacnay.