|

“Warbaahintu waa igu been abuuratay” Madaxweynihii Hore ee Maamul Goboleedka Pun land Dr. C/raxmaan Faroole

Garowe 04.July 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa warbaahinta qaarkeed ku eedeeyay inay faafiyeen war aan waxba ka jirin oo sheegay inuu AMISOM ama qaramada midoobay ka codsaday ciidamo ilaaliya xilliga doorashada Soomaaliya.

faroole“ Waan arkayay waxyaabaha ay saxaafadda qaarkeed qoreen ee dacaayadda beenta ah” ayuu yiri Faroole.

Wuxuu sheegay inuusan waligiis ku hammin xataa inuu ciidan waydiisto AMISOM iyo ciidan kaloo ajaanib ah.

 

Dhanka kale madaxwaynihii hore ee Puntland ayaa ku nuux nuuxsaday in masuuliyadda ammaankiisa ay saaran tahay dawladda Federaalka iyo beesha caalamka oo ballan qaaday inay dammaanad qaadi doonaan goob doorasho oo xasiloon.

Comments are closed