|

‘’Warbaahintii Qaranka oo ay Ugu Horayso Radio Hargaysa,Telefishanka Qaranka Iyo Wargayska Dawan waxaa si Gaar ah loogu hibeeyay Xisbiga Kulmiye Waxaana Xadgudubkaas ka Mas’uul ah Wasiir Caddaani’’ Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Cabdiqani Salafi oo ka mid ah Hogaanka sare ee Xisbiga Ucid ayaa sheegay in Warbaahinta dawladu Maamusho sida Idaacada Radio Hargaysa,Telefishanka Qaranka Iyo Wargayska dawlada ee Dawan ay noqdeen aalad u adeegta oo qudha buun buuninta Xisbiga Kulmiye isla Markaana aanay waxba uga ogolayn Xisbiyada Mucaaridka.

Waxa uu Mas’uulkani weydiiyey Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani iyo Madaxda kale ee Wasaaradda inay Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani u arkaan Ajaaniib aan Xuquuq ku lahayn Somaliland.

Cabdiqani Salafi waxa uu u Soo Jeediyey Xisbiyada Ucid Iyo Waddani in hadii Sidaa loogu diido Warbaahinta qaranka inay Samaystaan Warbaahin u gaar ah Sida Idaacad oo ay Ololaha doorashadda Ku galaan.

Comments are closed