Warbaahinta madaxa-bannaan si aanay u tebin wararka Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Dhacdooyinka u dambeeya, Wasiir ku-xigeenka Amnigu waxa uu kula kacay Wariye ka hawl-gala Saaxil
London May 29/2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa bilowday qorshe lagu cabbudhinayo Xisbiyada Mucaaradka ah oo loo diiday in wararkooda laga baahiyo telefishanka Qaranka, immika loo soo jeedsaday in Hantidaad iyo Xadhig loo hanjabo Suxufyiinta ka hawl-gala telefishannada Gaarka loo leeyahay si aanay u baahin wararka Axsaabta Mucaaradka.
Wasiir ku-xigeen ku-xigeenka Cusub ee Amniga, horena u ahaan jiray badhasaabka gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheere), ayaa amray Xadhigga Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo telefishanka Royal Tv iyo shabakadda Wararka ee Rasmimmedia.net uga soo warramaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isaga oo dhammaan madaxda gobolka iyo ciidamada ammaanka ku ballamiyey in xabsiga loo taxaabo wariyahan oo lagu haysto warar uu u baahiyey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.
Wariye Cabdiraxmaan oo wakhtigan feked ku jooga magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka baqay hanjabaado uga yimi taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Saaxil iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka hoos taga magaalada Berbera, ayaa sheegay in Amarka xadhiggiisa uu bixiyey wasiir ku-xigeenka Amniga Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheere) oo uu ku eedeeyey inuu ka soo horjeeedo wararka telefishannada Madaxa-bannaan ee ka hawl-gala gobolka Saaxil ka tabiyaan xisbiyada Mucaaradka ah, gaar ahaan xisbiga UCID mararka ay qabtaan shirarka jaraa’id ee nidaamka maamul ee xukuumadda Siilaanyo lagu dhaliilayo.
“Waxa ila soo hadlay taliyaha Booliska Berbera, dabadeed wuxuu igu yidhi waxaanu amar ku haysanaa inaanu ku xidhno, dambigaaga iyo waxaad samaysayna lanooma sheegin, laakiin meel aad joogtaba xadhig u diyaar-garow. Aniguna waxaan u arkay baqo-gelin la doonayo inaan gobolka ka tago, waayo imabay sii sheegeen.
Laakiin waxay ka mid tahay tacaddiyada warbaahinta lagu hayo ee lagu cabsi gelinayo.” sidaa waxa uu Cabdiraxmaan khadka telefonka ugu sheegay Agaasimaha Rasmi Media. Tacaddiyada noocan ah ee lagu hayo Xoriyadda iyo Saxaafadda Madax-bannaan ee dalka, ayaa ka mid ah Xuquuqaha ku maqan ee Xukuumadda Siilaanyo meesha ka saartay tan iyo markii ay talada dalka ku guulaysatay, waxaana la ogyahay in saxaafadda madaxa-bannaan ay tahay halbowlihii ugu weynaa ee Md Siilaanyo u fududeeyey inuu si sahlan ku fuulo Kursiga ugu mansabka sarreeya dalka.
Xigasho Rasmi media
SDN/QJ-Hargeysa
contact@qurbejoog,com