|

Warbaahinta Caalamka Oo Soo Bandhigtay Khariirad Muujinaysa Awooda Baahsan ee Alshabaab- Daawo Sawirada.

Muqdisho,25july,2015(QJ/SDN)-Inkasta oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ay sanadadii lasoo dhaafay qabsadanayeen magaalooyin dhaca Koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya oo horay gacanta Alshabaab ugu jiray hadane wali inta badan dhulka soomaaliya waxaa gacanta ku haya xarakada alshaaab.

 

Khariirad ama Map ay soo saartay Warbaahinta Ingiriiska BBC-da ayaa muujinaysa in dhulka ugu ballaadhan ee Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya uu gacanta ugu jiro xarakada AlShabaab.

 

Map-ka ayaa si faah faahsan u calaamadaynaya meelaha ay kala maamulaan dhinacyada ku loolamaya Soomaaliya,DF-ka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaan maamulin wax aan Muqdisho ku aheyn tusaale ahaan ciidamada Itoobiya iyo ciidanka la socda ayay khariiraddu calaamadaynaysaa in si iskood ah ay u heystaan dhul halka ciidamada AMISOM iy ciidanka DF-ka ah ay iyana dhul maamulaan AlShabaabul ayaa iyana ah awoodda ugu ballaadhan ee dhanka maamulka.

Khariiradda waxaa ku cad in maamul goboleedyadu ay kamadax banaanyihiin DF-ka balse ay taageerayaal u yihiin.

 

Tusaale ahaan magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose waxaa gacanta ku haya ciidamada Kenya iyo ciidanka jubbaland balse deegaan 5KM ujira waxaa maamula Al Shabaab waddooyinka muhiim ah ee gobollada iyo caasimadda isku xidha waxaa ku sugan ciidamada Al Shabaab oo koontaroolaya waxa caasimadda ka baxa iyo waxa soo gala.

 

Tusaale kale magaalooyinka Baydhabo,Baraawe iyo Beled Weyne gacanta ciidamada AMISOM ayay ku jiraan balse dhammaan tuulooyinka iyo deegaanada hoos yimaad ee dhaqaalaha soo saara waxaa kajira maamulka alshabaab

Isku soo wada duuboo alshabaab ayaa ah awoodd xooggan oo ka jirta koonfurta soomaaliya.

 CKnpOwVWIAA_n6U

koonfur

Comments are closed