|

Warbaahinta Caalamka oo Falanqeysay Casharka Dalalka Afrika ka Baran Karaan Sida Nabadgelyada ah ee Somaliland Xukunka Iskugu Wareejiso!!

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, ayaa qoray in madaxweynaha  shanaad  ee Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo si dimuqraadi ah loogu   doortay  13-kii November 2017 uu xilkii loogu dhaariyay.

Warbaahinta Afrika wararkii ay ka qoreen dhaarinta madaxweynaha cusub, waxa warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax:-

Suxufiga Itoobiyaanka ah ee  Dawit Endeshaw, ayaa  ku qoray Wargeyska The Reporter, xafladii caleemo-saarka iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ay Somaliland mar kale dalalka Afrika  bartay cashar la xidhiidha in si nabadgelyo ah  xukunka la iskugu wareejiyo.

“Inkastoo aan caalamku weli aqoonsan, Somaliland waxay mar labaad bartay dalalka Afrika cashar ku wajahan sida xukunka la iskugu wareejiyo si nabdoon, waxaanay caleemo-saartay madaxweynaheeda cusub  Md. Muuse Biixi Cabdi, oo si dimuqraadi ah loo doortay,”ayuu lagu yidhi warbixinta wargeyskaas.

Waxa kaloo uu intaas ku ladhay; “Madaxweyne Muuse Biixi, waxa si dumuqraadiyad ah loogu doortay madaxweynaha shanaad ee Somaliland,  doorashadii qabsoontay bishii November 2017, waxaannu beddelay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.”

Wargeysku wuxuu sheegay in xafladii dhaarinta madaxweynaha cusub  ee Somaliland ay ka qaybgaleen  wufuud kala timid dalalka jaarka iyo waddamada reer Yurub. Iyadoo dawladda Itoobiya uu xafladaas ku metalayay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Axmed Shide.

Wargeyska Itoobiya,  wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha cusub ay horyaalaan  wax ka qabashada dhaqaale xumada, saboolnimada iyo qaddiyadda ictiraaf raadinta.

Geesta kalena, Mareegta African News wax falanqaysa arrimaha Afrika, ayaa  faahfaahisay nabadgelyada iyo dimuqraadiyada Madaxweyneyaasha Somaliland xilka iskugu wareejiyeen 13kii Bishan.

Comments are closed