|

“Warbaahinta ayaa qoraysay wuxuu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, oo waxaa loo dhiibayaa jagadda Wasiir Xagletoosiye,” u Qaybsanihii Khaatumo ee Arrimaha Gudaha

Buuhoodle, 15 Feb 2015 (SDN/QJ)-U Qabsanihii hore ee Arrimaha Gudaha ee kooxda Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub, ayaa beeniyay warar sheegayay inuu ololaynayo inuu xil wasiir ka doonto Somaliland, isla markaana la tuhunsana in xubno xukuumadda Siilaanyo ka mid ahi u wadeen sidii loogu bedeli lahaa Wasiirka Caafimaadka.

Yaasiin Axmed wuxuu sheegay inuu Hargeysa yimi oo uga sii gudbay dalka Itoobiya, isla markaana wuxuu beeniyay inuu jiro wadahadal uu la yeeshay xukuumadda Somaliland.

“Waxaan beeninayaa in aanan Somaliland wax wadahadal ah la soo gelin, in aanan xil u doonan, ee marin ayay ii ahayd oo Itoobiyaan ku socday,waan sii maray, oon soo maray, labada goorna laba cisho ayaan joogay.Hargeysa.”ayuu yidhi Yaasiin Sulub oo u waraystay telefishinka Somali Channel.

Yaasiin wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Warbaahinta ayaa qoraysay wuxuu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, oo waxaa loo dhiibayaa jagadda Wasiir Xagletoosiye,anigu wax xil ah oo aan Somaliland ka qabanayaa ma jiro, mustaqbalkana iiguma jirto in aan xil ka qabto Somaliland.”.

Buuhoodle SDN/QJ

 

Comments are closed