|

Waraysi Xiiso Badan oo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Ku Iftiimiyay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed,Dariiqa Somaliland u Marayso Citiraafka,Xisbiga uu ku Biiriyo & Qodobo Xasaasi ah DHAGAYSO

Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee hore u aaminsanaa Mabda’a Soomaali-weyn isla-markaana Xilal ka soo qabtay Dalka Soomaaliya, balse Cafis loo Fidiyey Sannadkii hore ku yimid Somaliland, ayaa sheegay in Ictiraafka Somaliland raadinaysaa uu dhex yaallo Dadka Soomaaliyeed.

buubaaIsmaaciil Hurre Buubaa, waxa uu sheegay in ictiraafka Somaliland aanu oolin Dalalka reer Galbeedka sida Maraykanka, laakiin loo baahan yahay in la baadi-doono Soomaalida dhexdeeda, “Aniga waxay ila tahay in Ictiraafka Somaliland raadinaysaa aanu oolin Switserland, Sweden iyo Maraykanka ee uu yahay mid dhex yaalla Soomaali.” Ayuu yidhi, Mr. Buubaa oo Wareysi siiyey Telefiishanka Somali Cable.

Buubaa oo la waydiiyey sida uu u arko in Doorashadu mar kale dib u dhacdo, ayaa sheegay in Beesha Caalamku eegayso sida loo ixtiraamo Shuruucda Dalka u yaalla, “Beesha Caalamku waxay eegaysaa sida loogu shaqeynayo Qawaaniintii la dhigay, waxayna Bulshada Caalamku xiisaynayaan in si deggen uu Isbeddel ugu yimaaddo Soomaalida.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaas oo dhan marka loo fiirsado Aniga waxay ila tahay inay lagama maarmaan tahay in Doorashadu Wakhtigeeda (ku dhacdo..)..”

Comments are closed