|

Waraysi laga Qaaday Ninkii Gaadhiga u Waday Kooxdii Villa Somalia Weerartay, oo Fashiliyay Siro badan oo uu ka Hayay Madaxtooyada,Iyo Doorkii uu ku lahaa Qaraxyo Muqdisho laga Fuliyay

Muqdisho 10.July 2014 (SDN/QJ)- Xasan Muxiyadiin Xasan oo ah Eedaysanaha loo qabtay Qaraxii Xarunta Madaxtooyada ee Somalia isla markaan Kooxdii Weerarka soo qaaday u Waday Gaadhigii ay Madaxtooyada ku galeen ayaa Ka  Waramay Doorkii uu ku lahaa Hawlgalkaas.

23Eedaysane Xasan Muxiyadiin Xasan Waxa uu ka Mid ahaa Shaqaale ka Tirsan Shirkada Hormood oo Xafiis ku leh Dhismaha Madaxtooyada Waxaanu Qiray in Alshabaab ay Hawshan u direen,Sidoo kale Waxa uu laga soo Faqay Hawl galo kale oo uu dhinaca Sahanka u qaabilsanaa Sida Qaraxyo laga Fuliyay Huteelo Waaweyn oo ku Yaala Muqdisho.

markii kooxdan abaabulan ee Al-shabaab ee uu ka tirsan uuna hogaaminayay Horjooge Xasan ay isku dayeen inay gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya ka fuliyaan weerar Argagaxisanimo waxaana weerarkaasi ay ku sheegteen inay doonayeen inay ku dilaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed Maxamed laakin iyagoon gaarin hadafkoodii ayaa waxaa fashiliyay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo lagu magacaabo Muqtaar kaas oo intii aysan gaarin bartilmaameedkoodii ka shakiyayhalkaana waxaa ka bilowday is rasaasayn sababtay in markiiba laga soo saaro halkii ay joogeen oo u dhaxaysay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda halka ay sida kmg ah u degantahay,

Maleeshiyadan Al-Shabaab ka tirsan waxay gaarayeen 4,3ka mid ah waxay wateen dharka ciidanka waxayna ku hubaysnaayeen Qoryaha AK 47 iyo Bam Gacmeedyo. Halka kan 4 aadna uu ahaa horjooge iyo fududeeye, waxaana ninka 4-aad oo isagoo nool la qabtay uu ahaa shaqsi laga yaqaano Madaxtooyada iyo aageeda taas oo u fududaysay inuu awood u yeesho inuu ka gudbiyo baraha wax lagu hubiyo Maleeshiyaadka uu waday ee Al-Shabaab ka tirsanaa Kadibna waxa uu dhagar-qabahan geeyay 3da Maleeshiyaadka ah ee hubaysan meel aan ka fogayn Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda,

Xasan waa Xubin muhiim u ahayd Kooxda Al-Shabaab waxaan maanta kula kulanay Xarunta Hogaanka Baarista ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka  Waxaana Xasan uu daaha ka qaaday lugtii uu ku lahaa Weerarkii Madaxtoooyo ee habeen hore, Weerarkii kan ka horeeyay ee isna sidan oo kale Madaxtooyo lagu soo qaaday’ Weeraro Qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay Hoteelada Makah Al-Mukarama, Oriental, iyo sidoo kale Weerarkii baarlamaanka.

Xasan oo aan marnaba laga shakin waxa uu qirtay in ku dhawaad 2 sano uu dhagrayay Ummadda Soomaaliyeed, Isla markaana uu wax badan ka qorsheeyay weeraro dhiig badan ku daatay, waxaana uu u muuqdaa inuu ahaa Farsamayaqaan u carbisnaa sahminta meelaha ay Shabaab wax ka fulinayaan, waxa u dheerayd oo Xasan qirtay inuu sidoo kale marka ay wax dhacaan kadib uga warbixin jiray Al-Shabaab khasaaraha ka dhasha qaraxyadda ay gaystaan.

Xasan oo ah Nin Dhalinyaro ah waxa uu si joogta sheegay inuu u siin jiray Al-Shabaab warbixinadda Madaxtooyadda Waxaana ka mida waxyaabaha uu sheegay inuu gudbin jiray Waqtiyadda Salaadaha lagu tukado Masaajidka Madaxtooyadda,  meelaha ay dhigtaan Baabuurta Wasiiradda, Dhaq dhaqaaqa Wasiirka Gaashaandhiga, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Xassan waxa uu ka soo jeedaa Qoys intooda badan ka mid noqday Kooxda Al-Shabaab, 2 ka mid ah walaalihiis waxay dhinteen iyagoo u dagaalamaya Al-Shabaab, Walaashiis ka yar Najmo waxay ka mid tahay Al-Shabaab, waxaana u dhaxa C/risaaq oo ah Horjooge ka tirsan Sirdoonka Al-Shabaab, isla markaana ah Shaqsiga uu ku xirnaa Xasan,

 

Xasan waxa uu watay Gaari Noha ah waxaana gaarigaasi u gaday Kooxda Al-Shabaab iyagoo sidoo kale Bil walba siin jiray lacag dhan 200U$. Taasoo ahayd waxa uu ku badalanayay dhagarta uu u maleegayay Ummadda Soomaaliyeed, Waxaana Xasan hadda la xiran aabihii oo isna su’aalo laga waydiinayo waxa uu ka ogaa Ilmihiisu waxay qaban jireen.

Waxaa Kale oo Xasan uu Xusay inuu Kaalin dhinaca Sahanka ah ku lahaa Weeraro laga Fuliyay Huteelo ku Yaala Muqdisho.

Xasan oo aan waqti ku wada qaadanay maanta hogaanka Baarista Nabadsugidda waxaan waydiiyay bal inuu isku arko inuu Dambi wayn galay maadaama uu soo maleegay weerar lagu soo qaado Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyo. Wuxuuna ku jawaabay “Qalad weyn ayaan galay waxaana dhahayaa qof kasta mabdi’iisa haku adkeysto”

Ugu dambayntii waxa Xassan weli kusocda baaritaano ku aadan qaabka falkan loo abaabulay iyo dadka kale ee la shaqeynayay.
Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed