|

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Xaaladda Magaalada Borama Iyo Bandoo Hoosta laga Xariiqay In Habeenkii Lagu Soo Rogi Doono Magaalada

Borama:Jan,24,2015(SDN/QJ)-Kadib markii habeen hore xilliyadii dambe kooxo aan la aqoonsani weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhig ciidan oo u yaalla Badhtamaha Magaalada Borama, ayaa waxa soo baxaya jawaabo arrintaas lagag hortegayo oo halkaas laga dareemayo.

boramaBorama waxa ilaa shalay shirar hoose ku lahaa masuuliyiinta ammaanka iyo kuwa maamulka ee  halkaas ku sugan, waxana si weyn loogu lafoguray sidii arrintaas looga jawaabi  lahaa, isla-markaana loo dabagali lahaa ciddii arrintaas samaysay.

Shirarkaas oo ay qayb ka ahaayeen Duqa caasimadda, badhasaab-ku-xigeenka iyo saraakiisha ammaanka, ayaa la iskula gartay in laga feejignaado arrimaha nocaas oo kale ah eek a dhanka ah ammaanka shacabka, iyagoo qoddobo dhawr ah halkaas  iskula gartay.

Wararka qaarkood ayaa sheegay in saraakiishaasi isla meeldhigeen in xilliyada habeenkii  saacadaha dambe magaalada Bandoo lagu soo rogo, isla-markaana meheradaha la xidho dadkana loo sheego inay Guryahooda galaan oo ay iska hoydaan.

Arrintaas ayaa la sheegay inaan la isla garan  xilliga rasmiga ah ee bandoogaas lagu soo rogi doono, balse waxa ay dhamaantood u riyaaqeen soo jeedintaas oo ay saraakiisha ammaanku si weyn usoo dhaweeyeen.

Borama waxa maalmahan ka taagan arrin ay wadaan kooxo uu duurka la galay Suldaan Wabar, kuwaas oo u muuqda qaar taageero ka Haysta qaar shacabka kamid ah oo u suurtogelinayo Khalkhalgelinta ay ku hayaan Ammaanka Gobolkaasi muddada kusoo naaloonayey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed