Wararkii Ugu Dambeeyey Ee shirka Ka Socda Magaalada Kampala
Kampala: 4-Aug-2013(SDN) Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya shir ay Gondaha isku darayaan madaxweynayaasha ciidamadu ay ka joogaan dalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dalkiisa ciidamadu martida ku yihiin ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Kulanka maanta ayaa ah mid ka duwan kulankii shalay, iyadoo la doonayo in lagaga hadlo arimaha amaanka iyo ciidamada AMISOM.
Sidoo kale madaxweynayaasha ayaa ka wada-hadli doona eedeymaha ciidamada Kenya ee looga gudbiyay midowga Africa oo ku aaddan inay dhibaato ka geysteen dalka Soomaaliya ayna la kala safteen beelo daga deegaanada Jubbooyinka, iyagoo dhinac iska dhigay amarkii iyo wada-shaqayntii ka dhexaysay Dawladda Somaliya.
Kulanka kadib waxaa la rajeynayaa in laga soo saaro qodobo lagu hishiiyay, waxaana kulankaasi uu socon doonaa muddo saddex maalin ah.
Kulankan waxaa ka horeeyay shir maalintii shalay ay yeesheen wasiirada arimaha dibada ee dalalkaasi, kaasi oo ahaa mid hordhac ah oo ay yeelanayeen masuuliyiintaasi, is ay ugu Gogol xaadhaan kan maanta qorshaysan oo Ajandihiisa ay ugu weyntahay arrimaha Ciidanka somaliya jooga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tiradiisa loona tayeyn lahaa.
Wixii war ah eek a soo kordha kulankan waxanu idiinku soo Gudbin doonaa wararkayaga soo socda.
Somalidiasporanews.com.