Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Muqdisho (QJ) -Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Saraakiishan, ayaa waxay Dowladda Federalka Somaliya kala hadli doonaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Somaliya, xilli uu bilaabmay hawlgalka AUSSOM. Dowladda Itoobiya ayaa ku dadaaleysa in ay sii joogteyso joogitaanka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
MUQDISHO (QJ) – Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AUSSOM ayaa si rasmi ah u bilaabay howlihiisa, sida uu ku dhawaaqay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray Mohamed El-Amine Souef, ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalka AUSSOM uu ka billowday Soomaaliya laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01-Jan-2025. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jig Jiga (QJ) Laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo saaray digniin amni oo ku saabsan falal argagixiso oo abaabulan oo la doonayo in lagu soo galo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Digniin amni oo ka soo baxday xafiiska nabad sugida dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu wargaliyay shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida in […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Dhusamareeb (QJ) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo mas’uuliyiin kale ayaa caawa kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug. Wasiir Cali Xoosh ayaa odayaasha ku wargaliyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay sharciyadii iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho (QJ) – Burundi ayaa Soomaaliya ku eedeysay qiyaano iyo abaalkadhac, kaddib markii laga saaray liiska dalalka loo ogol yahay inay ciidamadooda u soo diraan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee nabadeynta Soomaaliya, kaasoo ku yaalla Geeska Afrika. Howlgalkan cusub ee loo yaqaano AUSSOM ayaa bilaaban doona bisha Janaayo ee sanadka 2025, iyadoo lagu bedelayo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa kulan ballaadhan la qaatay madaxda ururada bulshada rayidka ah. Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn uga mahadnaqay kulankooda madaxda ururada bulshada rayidka ah, isaga oo carabka ku dhuftay doorka sharafta leh ee ururada bulshadu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Bosaaso (QJ) -Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ayaa saaka weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari. Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho (QJ) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Mucalin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda SDM ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad abaareed oo aad u daran, una baahan gurmad deg-deg ah oo joogto ah, kaddib markii la waayay xilli roobaadkii Deyrta ee la filayay. Sebtembar, Oktoobar, iyo Noofambar. Sida ay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho (QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin culus oo ugu dambeysay u jeedisay shaqsiyaadka hurinaya colaadaha sokeeye ee baraha bulshada. Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonto shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafiyay muuqaalo, muuqaalo, codad laga duubay iyo qoraalo colaado sokeeye ah ku faafiyay. “Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
NY (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay sababta ay uga gaabsatay in ay u codeyso qaraarka lagu ansixinayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. War saxaafadeed lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Ergada Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu go’aansaday in uu dib u eego taageeradiisa qaraarka sababo la xiriira shuruudo aysan Soomaaliya […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »