Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
MOGADISHU (QJ)- 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku diiday in Ganacsadaha Ajaanibta ah uu xaquuq gaar ah u yeesho dhoofka Xoolaha Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin, iyagoo sheegay inaan la aqbali […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal kor loogu qaadayo ilaalinta xoriyatul-qawlka, iyadoo la hubinayo in aan la xidhin shakhsiyaad iyo suxufiyiin hadallo aanay xukuumaddu jeclayn. Wasiirka Warfaafinta Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo daba socda balan qaad uu dhawaan Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro u jeediyay warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Bosaaso (QJ) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa booqday tuulooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Bari, iyagoo kulamo muhiim ah la qaatay bulshada deegaanka. Ciidamada ayaa si gaar ah u booqday deegaanka Timirshe oo dhawaan laga saaray kooxda Daacish. Saraakiisha ayaa ku booriyay bulshada inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo ilaaliyo nabadda iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho (QJ) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo dhawaan ka dhacday meel ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Howlgalkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya inay faro-gelin ku hayso Dhoofinta Xoolaha Dekedda Berbera, iyadoo ku andacootay inay Soomaaliya doonayso inay dakhliga cashuuraha Xoolaha u wareejiso Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed oo la hadlay Ganacsatada Xoolaha, ayaa ku eedeeyay dawladda Somaliya inay faragelin ku hayso […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho (QJ) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ( hore u ahaan jiray Twitterka). Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya si wax looga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
NY (QJ) – Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) waxay xalay ka qaybgashay shirkii ugu horreeyay ee golaha iyadoo ka mid ah 15-ka xubnood ee aan joogtada ahayn. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahay ergayga joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Cismaan Baalle ayaa ka qeyb galay kulanka, waxaana uu halkaasi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Boosaaso (QJ) – Kooxda Daacish ayaa qaaday weerar Talaadadii lasoo dhaafay ku bilowday qaraxyo, waxaana ay la eegteen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Difaaca Puntland. Dhammaan 12-ka qof ee weerarka soo qaaday oo Ajaanib ahaa ayaa lagu dilay goobta uu weerarka ka dhacay. War qoraal ah oo ay soo saartay Daacish ayay ku sheegatay mas’uuliyadda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
NY (QJ) – Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaco ahayd si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 54 sano kaddib, iyadoo horay loogu doortay kursi aan joogto ahayn sannadaha 2025-2026. Soomaaliya ayaa hadda ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, gaar ahaan waxa ay ka mid tahay 10-ka xubnood ee aan joogtada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ceelbuux(QJ) – War murtiyeed ka soo baxay shir ay dhawaan beesha Warsangeli ku yeelatay deegaanka Ceelbuh ayaa lagu shaaciyay in la baabi’iyay heshiskii beelaha ee lagu soo dhisayay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Warsangeli oo ka kooban toddoba qodob, ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba uu burburay heshiiskii beelaha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »