Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Dowladda ku dhexmaray Gobolka Galgaduud
Dhuusa-mareeb,19july,2015(QJ/SDN)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, dagaal culus ayaa wuxuu halkaasi ku dhexmaray ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.
Ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa inay wadada u galeen ciidamo ka tirsan Dowladda oo uu la socday Taliyaha ciidanka Dowladda ee Xerada 21-aad Sulub Axmed Diiriye.
Wuxuu ka dhacay dagaalka deegaanka lagu magacaabo Laandheer oo hoostagga deegaanka Xananbuure oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan oo ahaa mid culus ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo waxaa la maqlaayay dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayeen.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawaca ayaa ka dhashay dagaalkaasi ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ku dhexmaray deegaanka Laandheer ee ka tirsan Gobolkaasi.
Deegaanka Laandheer waxa uu u dhaxeeya Magaalada Caabudwaaq iyo Magaalada Cadaado, warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay ku qaldameen Taliyaha Xerada 21-aad Sulub Axmed Diiriye oo qorshaha ciidanka Ahlu Sunna uusan aheyn inay weeraraan ciidankaasi Taliyaha hogaaminaayay.
Ciidamada hogaaminaayay Taliyaha ciidanka Dowladda ee Xerada 21-aad Sulub Axmed Diiriye ayaa dagaal culus kadib waxa ay ka gudbeen deegaanka Laandheer, wuxuuna Taliyaha ku sii jeeda magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dagaal culus waxa ay kula jiraan ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan Gobolkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa ku sugan Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.