|

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay Qooqaani

Qooqaani Dec 04,2011(qurbejoog.com)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal qasaaro gaystay oo Ciidamada Kenya iyo Kooxda Al Shabaab ku dhexmaray deegaano ka mid ah gobolada Jubbooyinka. 

Inta la’ogyahay 6-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana dhinacyada la sheegay inay isku adeegsadeen hub cul culus oo kala gadisan. 

Ciidamada Al Shabaab ayaa la sheegay inay wadada u galeen Kollonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamad Kenya oo maraysay meel aan sidaasi ugu fogayn duleedka deegaanka Qooqaani ee gobola Jubbada hoose, waxaana la tilmaamay in halkaasi uu ka dhacay dagaal qaatay saacado badan.

Dadka deegaanka ayaa baqdin ku aadan dagaalka soo foodsaartay, waxaana la sheeagy in ilaa iminka xaaladda goobihii lagu dagaalamay ay tahay mid kacsan islamarkaana Ciidamada Kenya ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo lagu baarayo kooxihii kusoo qaaday weerarka gaadmada ah. 

Deegaanda iyo degmooyinka gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal qasaaro gaystay, iyadoo Al Shabaab mar waliba ay dagaal gaadmo ah ku qaadaan Ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi.

 

Qurbejoog-Qoqaani

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed