|

Waraaq Is-bahaysiga KeepItOn Coalition uu u diray Gudida Qaran ee Doorashada iyo Dawladda Somaliland

Hargaysa 12 November  2017 (SDN/QJ):-

Ku: Gudida Qaran ee Doorashooyinka Somaliland

Ku: Mudane Axmed M Maxamuud Silanyo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Murashixiinta Madaxwayne;

Muuse Biixi Cabdi (Xisbiga Nabada, Midnimada iyo Horumarka)

Faysal Cali Waraabe, UCID (Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka)

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro (Xisbiga Waddani)

Ujeedo: Xidhitaanka interneetka xiliga lagu jiro doorashada madaxwayne ee Somaliland

Mudanyaal

Waxaanu qoraalkan idiinku soo gudbinaynaa codsi deg deg ah oo aanu ku xaqiijinayno xasiloonida iyo furinaaka interneetka. Waxaanu helnay warbixino sheegaya in Gudida Qaran ee Doorashadu uu ku dhawaaqay in la xidhi baraha bulshada doorashada madaxwayne nimo ee soo socota. Anaga oo ka wakiil ah in ka badan 140 urur oo ka jira in ka badan 50 dal oo ka wada tirsan Is Bahaysiga #KeepitOn Coalition, waaaxanu si wayn idiinka codsanaynaa in interneetku furnaado.

Interneetka oo la xidhaa wuxuu waxyeelo u gaystaa xuquuqal insaanka iyo dhaqaalaha

Cilmi baadhis ayaa muujisay in xidhitaanka interneetka iyo rabshaduhu ay wada socdaan. Xidhitaanku wuxuu khalkhal u gaystaa helidda xogta oo wuxuu abuuraa mugdi ka daboola shacabka tacadiyada xuquuqal insaanka. Suxufiyiiinta iyo dadka ka shaqeeya warbaahintu awood uma helaan inay la xidhiidhaan ilahooda wareed, xogta ma ururin karaan, mana gelin karaa waxay soo gudbiyaan aaladaha is gaadhsiinta ee dhijitalka ah. Iyada oo sababo badan cudur daar looga dhigo, interneetka xidhidiisu waxaay goysaa xog muhiim ah, dhaqaalaha interneetka ku sallaysan iyo adeegyda degdegga ah, iyada oo bulshooyin dhan ay geliso cabsi.

Goyntaasi waxaay sidoo kale qastaa awoodda interneetka ee uu ku taageero ganacsiyada yaryar ee noloshu ku tiirsan tahay ee dabada ka riixa horumarka dhaqaale. Sida ay sheegtay cilmi baadhis 2016 uu sameeyey machadka Brookings Institute oo ah mid caan ah, xidhitaankasi wuxuu ka baabiiyey dhaqaalaha caalamiga ah mudadii u dhexeysay 2015 iyo 2016 lacag dhan 2.4 bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Furitaanka interneetku wuxu kobciyay hal abuurnimo, ikhtiraac iyo xog helid aan hore loo arag mid la mid ah, iyo sidoo kale noocyo kale oo fursado busho, dhaqaale, dhaqan io siyasadeed ah aduunka oo dhan. Hababka farsamo ee loo isticmaalo in lagu xanibo hellida xogta onlaynka ah waxaay inta badan si khatar ah u majo xaabisaa xasiloonida iyo soo kabashada interneetka. Xidhitaanka interneetka waa inaan marna la ogolaan inuu noqdo wax cusub oo caadi ah.

Xidhitaanka interneetku wuxuu xad gudub ku yahay xeerka caalamiga ah

Xukuno iyo qaraaro soo badanaya ayaa go’aamiyay in si ku talo gal ah loo xanibo interneetku ay xad gudub ku tahay xeerka caalamiga ah. July 2016, Golaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanku wuxu soo saaaray qaraar ku saabsan xorriyadda hadalka iyo interneetka kaas oo si luqad aan mugdi ku jirin ku qoran kaga hadlay xidhitaanka interneetka iyo xanibaadaha kale ee lagu soo rogo xorriyadda hadalka onlayn ahaan. Qaraarka oo ah A/HRC/RES/32/13 wuxu:

“Canbaareeyey si aan kala hadh lahayn talaabooyinka ku talo galka ah ee ka hortegaya ama qasaya ka helidda ama ku faafinta xog onlaynka taas oo xad gudub ku ah xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, waxaanu dawladaha ugu baaqaya inay ka joogsadaan ayna joojiyaan falalka caynkaas ah”.

Goluhu wuxuu fariin cad ku diray in xayiraada iyo maamulidda shabkadaha, dabaqidda iyo adeegyada fududeeya xuquuqal insaanku ay tahay dhaqan aan la aqbali karin.

Khubro ka tirsan Qaramada Midoobay, Ururka Amniga iyo Is-kaashiga Yurub, Ururuka Dalalka Ameerika, iyo Gudida Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Dadyowga ayaa soo saaray sidoo kale qoraal taariikhi ah oo ku dhawaaqay in baqtiinta interneetka aan sinaba cudur daar loogaga helayn xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, xitaa waqtiyada dagaalku jiro.

November 2016, Gudida Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Dadyowga waxaay soo saareen qaraar ku saabsan xorriyadda xogta iyo cabiraadda ee interneetka Afrika, kaas oo ay ku sheegeen walaac ay ka qabaan “dhaqanka soo badanaya ee Dawladuhu ay ku qasayaan ama ku xanibayaan helidda adeegyada is gaadhsiinta sida interneetka, baraha bulshada, adeegyada fariimaha, taas oo sii korodha xiliyadad doorashada.” ACHPR/Res. 362(LIX)

Gudida Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay, oo ah cidda sida rasmiga ah ugu xilsaaran tafsiirka Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqda Madani iyo Siyaasi, waxaay carabka ku adkeeyeen Faaladda Guud ee Lr.34 in xanibaadaha la saaro hadalka onlaynka la mariyo ay tahay in si adag ay daruuri u tahay oo ay u dhiganto in la gaadho ujeedo xalaal ah. Xayiraaddu, marka la barbar dhigo, waxaay si aan u dhigmin u saamaysaa dhamaan dadka isticmaala oo dhan, waxaayna si aan daruuri ahayn u xanibtaa helidda xogta iyo is gaadhsiinta adeegyada degdegga ah xilli ay aad muhiim u tahay. Xayiraaddu maaha daruuri mana aha hab waxtar leh oo lagu gaadho ujeedo xalaal ah, waayo waxaay xanibtaa fididda xogta, iyada oo ka qayb noqota jaah wareerka iyo isku dhex yaaca, islamarkaana qasta bad qabka dadwaynaha. Xayiraaddu maaha mid daruuri ah iyo mid waxtar leh toona oo lagu gaadhi karo ujeedo xalaal ah waayo waxaay inta badan keentaa ba fiditaanka jaah wareerka iyada oo ku dhiiri gelisa dad badan inay mudaharaadaan.

Talo soo jeedin

Waxaanu si ixtiraam leh idiinka codsanaynaa inaad xilka muhiimk ah ee aad haysaan aad u adeegsataan:

  • Inaad xaqiijisaa in interneetka oo uu ku jiro warbaahinta bulshadu inuu shaqeeyo;
  • Inaad si furan ugu dhawaaqdaan inay idinka go’an tahay in interneetku shaqeeyo oo aad ogaysiisaan dadwaynaha wax kasta oo qas ah oo ku imanaya;
  • Inaad ku dhiiri gelisaan shirkadaha is gaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada interneetka inay ixtiramaan xuquuqda dadka iyaga oo soo baahinaya siyaasadaha iyo dhaqanada saamaynta ku leh dadwaynaha.

Waxaanu ku farax sanahay inaan idinka caawino arimahas.

Mahadsanidin

Ururada saxeexay

Access Now

Bahrain Watch

Campaign for Human Rights and Development International

Human Rights Center

Internet Sans Frontières

KICTANet

Open Observatory of Network Interference (OONI)

OXCON

Paradigm Initiative

PEN America

Right2Know Campaign

SFLC.in

Sunlight Foundation

Comments are closed