|

Waraabe Dad Ku Laayay Degmada Mandheera Ee Gobolka Saaxil

Mandheera,30Aug,2015(QJ/SDN)-Wiil da’diisa lagu sheegay 15 jir, ayaa u dhintay dhaawacyo uu gaadhsiiyey Waraabe ku weeraray deegaanka Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil, waxaanu ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera oo loo geeyey dhaawacyada uu Waraabuhu soo gaadhsiiyey.

Waraabaha Wiilkaas dhaawacyada gaadhsiiyey, ayaa weeraray Wiilkaas oo waday Adhi ka lumay qoyskooda oo uu soo helay, Ul uu sitayna ka luntay, sida ay Berberatoday.com u xaqiijisay Hooyada Wiilkaas dhashay oo la yidhaahdo Shugri.

 

 

“Walaal Saacad maan haynin ee waxaan u malaynayaa inay xilli illaa siddeeddii (habeennimo) ahayd ayuu Wiilku Adhi Adhiga ka mid ah guriga ka waayey, kabacdina wuu baxay, aniguna maan ogeyn, ka dib qayladii ayay dad Rag Tuulaha ku socday maqleen, faro-laabna muu sidan ee Gacanta iskaga qabo ayuu islahaa, Niman socda oo Tuulaha qabanayey ayaa ka riday. Markaa, dhaawacyo Madaxa, dhinacyada iyo dhanka dambe ayuu dhaawacyo ka gaadhsiiyey Waraabuhu Wiilka.” Sidaa ayey tidhi Hooyada Wiilkaas dhashay oo u warrantay Berberatoday.com

 

Deegaanka Mandheera, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey lagu arkay Waraabayaal Koox koox u socda oo dad-qaad ah, isla markaana dadka weeraraya, iyagoo Habeennimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan dhammaaday Nin kale ku dhaawacay Waraabahaasi isla deegaankaas Mandheera.

 

Faarax Cabdi Ducaale oo ka tirsan dadka deegaanka Mandheera oo isna la hadlay Berberatoday.com, waxa uu yidhi; “Mid mid in la arko mooyee sidan ay isku soo raacayaan hadda hore looma arag. Awal wuu cabsan jiray Waraabuhu oo Carruurta yaryar baaba eryan jirtay oo uu ka carari jiray, laakiin immika dadkii buu u soo jeestay.

 

Muddo toban sano laga joogo waa markii ugu horreysay ee Deegaanka Mandheera lagu arkay Waraabe Koox koox u wada socda oo si toosa u weeraraya dadka iyo duunyada deegaankaas, gaar ahaan Dadka, iyagoo toban sano ka hor uu sidan oo kale Waraabe Kooxo u wada socdaa dadka ku weerari jiray deegaankaas, balse aan tobankii sano ee u dambeeyey aan lagu arag.

Source:Berberatoday.com

Comments are closed