|

Waraabayaal Haraadan oo Weerar ku qaaday Dadka Iyo Duunyadda ku dhaqan Tuuladda Gumar ee Gobolka Hawd DHAGAYSO

Hargaysa 8. February,2016(SDN/QJ):– Tuulada Gumar ee Gobolka hawd oo ah deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aanta baahsani ka taagan tahay ayaa maanta waxa Iska hor imaad adag ku dhexmaray dadweynaha deegaankaasi iyo raxan waraabayaal ah oo aad u haraadan kuwaas oo duhurnimadii Shalay soo weearary dadweyne iyo xoolo ka cabayey meel baraag ah oo ay biyo yari ku hadhsanaayeen.

Gudoomiyaha Tuulahada Gumar oday cabdi gaax-nuug oo ay Shabakadda Qurbejoog.com la xidhiidhay isaga oo ku sugan Tuuladaasi ayaa ka warbixiyey dhacdada ku saabsan waraabayaasha wax soo weeraray iyo guud ahaanba xaalada abaareed ee ka taagan gobolkaasi.

Comments are closed