War Saxaafadeekii ugu horeeyey ee Xisbiga Leebaraka Somalia
Waxaan idinku wargelinayaa in manta oo ay taariikhdu tahay 23ka Bisha Disembar 2011ka, Hoggaanka Xisbiga Leebarka Somalia uu yeeshey Shirkiisa Koowaad iyagoo ka soo qeyb galey Guddoonka, Xoghayaha Guud iyo Madaxda Fulintaba , warbixinno laga dhegeystey Xoghayaha Guud iyo qaar kale oo ka tirsan Hoggaanka ee ku saabsan Arrimaha Somalia, Afrika iyo Caalamkaba , waxeyna soo saareen qodobadaan :
In Somalia aysan ka jirin Dawlad Rasmi ah oo maamusha Dalka oo dhan, laakin ay ka jirto Dawlad ay Aqoonsan tahay Qaramada Midowbey laakinse Beesha Caalamka aqlabiyadeeda ay u aqoonsan tahay Somalia ( Qaran Dumey ama bur burey ) “ Failed State “
In Shacabka Somaliyed uu yahay Dhibanaha Koowaad oo uu ku soo jirey Xaalad amni darro ah oo u keentey Xasuuq, Dilal qorsheysan, Dhac , kufsi, barakicin iyo khal khal joogta ah.
Iney Beesha Caalamka isku daydey in ka badan 15 jeer iney Xal u Hesho Jaho wareerka ka jira Somalia oo salka ku haayo Dagaalka Sokeeye oo ay horunayaan Qab Qableyaal Dagaal shaarar kala duwan wataan laakin ay ka siman yihiin ujeedada oo ah iney Dalkaas iyo Dadkaas ku haystaan Qori caaraddiisa xalna aan marnaba loo helin ayna sii wataan dhaca iyo xatooyada ay u geystaan Xoolaha Qaranka iyo kan Shacabkaba, Beesha Caalamkana ku fashilantey Xal u helidda mashaakilka Somalia si kastaba ha ahaatee.
In Beesha Caalamka ay Somalia u soo magacawdey dhowr iyo toban Dawladood ku meel gaar ahaa, laakin Dawladahaas ayaa fashil ku dhamaadey sabab badan awgood , haba ugu darnaatee in Madaxda Dawladahaas ay ahaayeen kuwii Dalka soo bur buriyey ama iyadoo Beesha Caalamka ay Aqoon darro u geysey iney sidaas u wajahdo Xalka Somalia.
In Somalia ay ku hoobsatey musiibooyin badan oo kala ah Col, Abaar , fatahaad oo ka dhalatey dhimasho, macluul, barakac iyadoo intaas loogu soo darey duulaan militari oo ay ku soo qaadeen Dawladaha dereska la ah, arrimahaas oo Xisbiagan si cad uga soo horjeedo, kana dalbanaaya Kenya iyo Ethiopia iyo Dawladaha kaleba iney si deg deg ah ugala baxaan Ciidamadooda si loo baajiyo Xasuuqa ay u geystaan Bulshada Rayidka ah.
Xisbiga wuxuu soo jeedinayaa in Beesha Caalamka ay si qeexan u sameyso Qorshe Hawleed qeexan oo lagu xallin karo dhibaatada Somalia six al loogu helo, dagaallada, musiibooyinka, Burcad badeedka oo khal khal geliyey ganacsiga badaha iyo amaanka safarrada Maraakiibta isagu gooshta Caalamaka , arritaas oo keentey inuu sare u kaco qiimaha Ceymiska Badeecadaha iyo tan maciishaddaba.
Xisbiga wuxuu si buuxda u taageerayaa Hindisa uu soo jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo iclaamiyey Shirweyne Caalami ah inuu ku qaban doono magaalada London ee UK kaasoo Beesha Caalamka ay ku eegi doonto Xaaladda murugeysan ee Somalia, kuna raadin doonto Xal kama dambeys ah oo waara in loo helo Mushkiladda Somalia leyskana kaashado Caalam ahaan, wuxuuna Xisbiga u soo jeedinayaa in Xalka Somalia laga bilaabo hub ka dhigis guud, iyo Ciidamo ka socda dalalka Islaamka ah ay soo galaan Somalia Nabadna ay ku dhaliyaan muddo aan ka badneyn lix bilood, kana baxaan dalka muddadaas ka dib.
Inuu xisbiga soo dhaweynaayo Nidaamka Federaaliga ah , dimoqraadiyadda iyo Xuquuqda aadanaha oo aan ka hor-imaaneyn Diinta iyo dhaqanka Somalia, wuxuuna si taxaddar leh uga fiirsanayaa in Dimoqraadiyadda aysan noqon mid dibadda looga keeno Shacabyada horey u lahaa Diin, dhaqan iyo caadooyin suuban oo ka duwan kuwa waddamada Qarbiga ah, haddii kale waxa ka dhaln karo waa sida aan taariikhda ugu soo aragney waa sidii uu u bur burey Nidaamkii Hantiwadaagga iyo arrimaha hadda ka socda Dalalka Carbeed oo loo yaqaan “ Aran Spring” oo maaro loo la’yahay.
Xisbiga wuxuu aaminsan yahay in Somalia loo helo Xal waara oo ku saleysan caddalad iyo tixgelinta sababahii runta ahaa ee dhaliyey dhibaatada Somalia, inaan mar kale lagu deg deign soo magacaabid Dawlad oo ay Madax ka yihiin kuwii soo Bur buriyey Dalkaas, loona sameyyo Shirweyne Dhaqankii soo jireenka ahaa oo ka horeyey 1990 oo ay raalli ka tahay Beeshooda iyagana laga codsado in muddo todobaad ah ay ku soo magacawdaan Xildhibaanadooda oo laga rabo iney ka dhex shaqeyn karaan deegaanada ay mathalayaan. Road Mapkana uusan noqon mid ay ku takrifalaan Madaxda hadda jirta oo ku sifoobey daneysiga gaarka ah iyo wax qabad la’aanta ay ugu tala galeen in Somalia aan xal loo helin si ay ugu sii cimri dheereystaan.
Mahadsanidiin dhegeysiga iyo ka soo qeybgalkiina.
Cabdulxamiid, Maxamed
Afhayeenka Xisbiga LS.