|

War Saxaafadeed : Somaliland Iyo Itoobiya Oo ka Wadahadlay iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada Duulimaadyada, Nabadda, iyo deggenaanshiiyaha Gobolka

Hargaysa 01.Oct 2014 (SDN/QJ)-  Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dawladda Fadaraalka Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Christos. kulankaasi ayey labada Wasiir kaga wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee labada dawladood iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Iskaashiga labada Umadood.
Wasiirka Duulista Somaliland iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada Duulimaadyada, Nabadda, deggenaanshiiyaha gobolka, iyo xidhiidhka ganacsi ee labada dal.
Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday wada shaqaynta Shirkada Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda duulista Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqayntaasi, iyagoo isla gartay muhiimada ay leedahay in sare loo qaado xidhiidhka Duulimaadyada madaniga ah ee labada dal, taa soo salka ku haysa is dhex galka labada bulsho ee dariska ah. Iyo in dawladda Itoobiya ay fursado waxbarasho oo dhinaca duulimaadyada ah ay siiso shaqaalaha wasaaradda duulista Somaliland.
Labada dhinac ayaa iyaga oo ka Duulaya qorshaha shirkada Ethiopian Airlines duulimaadyada kaga bilaabayso madaarka Berbera,  waxay isla meel dhigeen in muwaadiniinta Itoobiya loo fududeeyo inay safaro dalxiis iyo ganacsi ku yimaadaan xeebta magaalada Berbera.
Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda dawladda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre- ayaa kulankaasi ka cadeeyey  inay dawladiisa ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, iyo in layska kaashado nabadda,  xasiloonida, horumarka iyo dalxiiska.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dawladda Itoobiya ku bogaadiyey kaalinta ay ku leedahay nabadda deggenaanshiyaha iyo horumarka gobolka, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda Somaliland ugu go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.
Geesta kale Wasiirka Duulista iyo  Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha guud ee shirkada Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam, iyo madaxa waaxda ganacsiga  Abuser Awel,  iyaga oo ka wada hadlay sidii ay shirkadaasi u balaadhin lahayd Duulimaadyada ay ku timaado Somaliland.
Wasiirka iyo madaxda Ethiopian Airlines ayaa waxay ku heshiiyeen in dhawaan ka bilaabo duulimaadyo ay shirkadu ku tagayso madaarka magaalada Xeebta ah ee berbera, iyo in la kordhiyo tirada duulimaayada ay shirkadu ku timaado Madaarka Cigaal ee Caasimada Somaliland.
Madaxda sare ee shirkada Ethiopian Airlines ayaa Wasiirka Duulista Somaliland u balan qaaday inay shaqaalaha Wasaaradda siin doonaan tababar lagu kobcinayo aqoontooda.
Wasiirka Duulista  Somaliland iyo madaxda sare ee Ethiopian Airlines ayaa sidoo kale ku heshiiyey in dhawaan magaalada Addis Ababa lagu qabto  carwo balaadhan oo lagu soo bandhigi doono, dalxiiska xeebta berbara, iyo Kaluunka badaha Somaliland, iyada oo ay arintaasi ka wada shaqayn doonaa dhamaan hay’adaha ay khusayso ee dhinacdada Somaliland iyo Itoobiya.

Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo  Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulankaasi ku wehelinayey ku simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya  Ambassador Ayaanle  Salaad ”

10325277_962705907089986_7994321204303914225_n 10411191_962705980423312_4482778239364313928_n 10666013_962705577090019_6420279702128222669_n 10715753_698204016931521_1478741291_n 10717916_698204213598168_1467361785_n 10718027_698203963598193_398344082_n 10719167_698203396931583_223498556_n 10719432_698204303598159_2143916445_n 10721452_698202750264981_459914782_n 10723263_698203820264874_2042081253_n (1)

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed