|

War laliyihii Weynaa ee Radio Hargaysa oo Maalintii 6aad Hawada ka Maqan

Hargaysa 12.Sep 2013 (SDN)- Warlaliyihii Cusbaa ee Idaacada Radio Hargaysa ayaa Maalintii 6aad  hawada ka maqan kadib markii ay la soo deristay Ciladi.

Warlaliyahan oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Xadhiga ka jaray 18.10.2012 ayaa si toos ah Mar kaliya hawada uga baxay Maalinimadii Jimcihii ee Todobaadkii Tegay Wakhtigaas oo ay idaacadu ku guda jirtay baahinteedii labaad.

Laba Engineer oo tababar lagu soo siiyay Wadanka Shiinaha oo War laliyahan laga soo iibsaday ayaa ku guul daraystay inay wax ka qabtaan sidii loo cilad saari lahaa Cod baahiyahan.

Warar laga helayo Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegaya in War laliyaha Cilada la soo deristay ay Sabab u Tahay Kadib Markii uu ku bakhtiyay Mishiinka Laydhka,

Dabayaaqadii Bishii April ee Sannadkan ayaa Cilad tan oo kale ahi ku Timid  Warlaliyahan,Taas oo sababta in dalka Chine looga Yeedhay Khubaro Engineero ah oo ka socday Company-ga laga soo Iibsaday Warlaliyaha Weyn ee Idaacada Radio Hargaysa .

Waxay arrintani Jaha wareer ku riday dadweynihii ka dhagaysan jiray Gobolada kale ee dalka iyo Wadamada Mandaqada, oo mar qudha waayay Maqalka Idaacada Radio Hargaysa .

WasiirkSa Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyi Gelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maalintii Shalay Mar uu Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa waxa uu sheegay inay Tahay Markii labaad ee Idaacadu Mudadii ay Shaqaynaysay ay hawada ka baxdo Taas oo uu sababteeda ku Tilmaamay inay u Malaynayaan Cilad dhinaca Korontada ah inay aamustay,Wasiirku waxa uu Intaas ku daray inay Cilad saarideeda gacanta ku hayaan Khubaro u dhalatay dalka Chine ee Idaacada laga soo Iibsaday iyo Engeneero Somaliland,Hasa Yeeshee Ilaa hada dalka Ma ay soo gaadhin Khubarada uu Wasiirku sheegay inay ka socdaan Shirkadii laga soo Iibsaday Warlaliyaha ay awoodiisu tahay 100KWT.

Hargaysa  SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed