War Ka Nixiyey Maamul-goboleedka Puntland Oo Qaramada Midoobay Soo Saartay
New York:May,10,2015(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqday war aan laga soo dhaweynin Deegaanada Maamulka Puntland, kaas oo salka ku hayo Xaaladda Nabadgelyo ee deegaankaas oo meel hoose heehaabaysa.
Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arimaha bini’aadantinimada Soomaliya Philippe Lazzarini oo shir jaraa’di ku qabtay xarunta qaramada midoobay ee magaalada New York ayaa ka warbixiyay arimo badan oo ay kamid tahay xaaladda ammaanka ee shaqaalaha qaramada midoobay ee Puntland.
Philippe Lazzarini ayaa sheegay in xaaladda amni ee shaqaalahooda ku sugan Puntland aytahay mid heer keedu sarreeyo, marka la eego ayuu sheegay wixii ka dhacay Garowe Saddex Toddobaad ka hor, markaas oo lagu laayey Shaqaale Badan oo Qaramada midoobay u shaqaynayey.
“Sida cad wixii dhacay magaalada Garoowe saddex todobaad ka hor waxay muujinaysaa inaanay suurta gal ahayn in Puntland loo arko meel khatartu mid hoose ama meel dhex dhexaad ah tahay” ayuu yidhi ergayga bini’aadantinimada jamciyadda quruumaha ka dhexeysa Philippe Lazzarini.
Ergayga ayaa shegay in khataraha xoogagga Al-Shabaab ay aaday dhanka waqooyiga Soomaliya bacdamaa cadaadis xoogan laga saaray dhanka Koonfurta iyo badhtamaha dalka.
Ugu dambayn Philippe Lazzarini ayaa tibaaxay in mustaqbalka hay’adaha horumarinta qaramada midoobay uga shaqeyn doonaan deegaanada Puntland iyaga oo og inay tahay meel khatarteedu sarayso.
Qeyla dhaantan qaramada midoobay ayaa imanaysa xilli sedex asbuuc ka hor magaalada Garoowe lagu qarxiyay gaadhi bus-ah oo ay lahayd hay’adda hooyada iyo dhallaanka, halkaasoo ay ku dhinteen 7 mid ah shaqaalaha hay’adda una badnaa ajaanib.
Falalka ammaan darro ee ka dhaca Puntland maha kuwo ku eg shaqaalaha qaramada midoobay, ee ururka Al-Shabaab waxay weeraro joogta ah ka gaystaan magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaso, sidookale waxaa habeen hore waa magaalada Gaalkacyo lagu dilay xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda Puntland.
Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo talada maamulka la wareegay sanad iyo bar kahor ayay shacabka reer Puntland ka filayeen isbedel dhankasta ah, sidii halku dhega u ahayd xiligii ololaha doorashada, balse taasi ma dhicin waxaana inta badan madaxweynu wakhtigiisa ku qaataa shirar dibadeed kuwaas oo looga hadlo ammaanka iyo dhaqaalaha Afrika. Xilli shaqaalaha dowladiisu ka cabanayaan mushahar la’aan, ammaankii Puntland ku faani jirtayna waa midkaas qaramada midoobay ka dhawaaqday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com