War Farxad leh Oo Usoo Baxay Muslimiinta Kenya Ee Sanadkan Xajka Tegaysa
Nairobi:Sep,07,2014(SDN/QJ)-Dawladda Kenya ayaa soo saartay war ka farxiyey Dadka muslimiinta ah ee Dalkeeda ku dhaqan, gaar ahaan kuwa doonaya inay sanadkan soo gutaan waajibaadka Xajka.
Waaxda gaarka u ah socdaalka ee dalka Kenya, ayaa shaacisay in dadka doonaya sanadkan inay xajka tagaan ay si fudud u heli Doonaan Baasaboorka.
Xoghayaha guud ee Golaha sare ee Muslimiinta ee SUPKEM Adan Waacho ayaa waxa uu sheegay in muslimiinta doonaya in ay soo gutaan waajibaadka xajka in aan lala badhtilmaameedsan doonin caqabado dhanka safarada ah.
Xoghayaha guud ee SUPKEM in saraakiisha socdaalka aanay dadka muslimiinta ee xajka aadanay ku dhibi doonin warqadaha iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Arintani ayaa ka danbaysay ka dib markii ay soo baxday cabasho ku aaddan in dadka muslimiinta ee doonaya in soo gutaan xajka lagu dhibo dikumiintiyada ay u baahan yihiin.
Sanadkani ayaa waxa dalkani Kenya ka xajinaya dad kor gaadhaya 4000 oo aad dalka Sacuudiga.
SDN/QJ