War Farxad Leh Oo Kasoo Baxay Tallaalka Loo Samaynayo Cudurka Ebola Oo Tijaabo ahaan Usoo Baxay
New york:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Dhakhaatiirta iyo dadka aqoonta Durugsan u leh Cudurka Ebola, ayaa muujiyey farxaddooda ku aaddan tallaalka cudurkaas lagula tacaalayo oo Haatan si tijaabo ah loosoo saaray.
Waxay ay Khubaradani sheegeen in tallaalkani yahay mid suurtagelin kara in Jidhka Ban’aadamku aqoonsado, isla-markaana ka hortagi karo markasta oo uu xanuunku soo weeraro.
Labaatan qof oo mutadawiciin ah ayaa tallaalka lagu siiyay dalka Mareykanka, waxaana jidhkoodu uu yeeshay difaac uu uga hortagi karo cudurka.
Cilmi baadhayaasha ayaa sheegaya in natiijadu aanay weli cadeyn buuxda u ahayn, in dawada ay waxtar buuxda leedahay, balse la sii wadi doono tijaabada, haddii lagu guuleystana, tallaalka la siin doono kumannaan ah shaqaalaha cafimaadka oo ku sugan galbeedka Afrika, marka la gaadho bisha January.
Dhanka kale shaqaalaha caafimaadka ee cudurka Ebola kula dagaallamaya koonfur bari dalka Guinea, oo ah halka uu cudurka ka bilowday, ayaa Warbaahinta u sheegay in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay sii kordhayso tirada dadka uu cudurka haleelay.
SDN/QJ