War Degdega: Ambasador Axmed Aden Dagaal (Ahmed Safiina) Safiirka somaliland Ee Arimaha Xajka oo xilkii iska casilay kuna sababeyey khilaafka xisbiga kulmiye anu ka hadhay asxaabtisa
Saudi Arabia 27oct15(SDN)Safiirka Somaliland u qaabilsan arrimaha Xajka dalka Sucuudiga Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa goor aan sidaa u sii fogayn bogiisa Facebook ku shaaciyey inuu xilka safiirnimo iska casilay.
Qoraal koobaan oo uu ku shaaciyey bartiisa Facebook ayuu ku yidhi
Anigoo ah Ambasador ahmed Adem dagaal (ahmed Safiina) Safiirka somaliland ee arimaha Hajjka ee sacuudiga
Waxaa iska casilay xilkii safiir nimo ee Qaranka aan u hayay mudadii lixda sano ahayd waa ilaa wakhtigii madaxwayne riyaale waxaan u mahad naqayaa madaxwaynaha
Mudane Maxamed ahmed Siilaanyo oo aan lasoo shqeeyay intii xilka aan hayay
Waxaana ugu baaqayaa inuu cadaalada ogoaado
Waxaan u Mahad celinayaa dhamaan intaanu soo wada shaqaynay
Waxaan u shaqayn doonaa xujaajta intaan noolahay Safiirka ayaa waxa u cadeyey in iscasilaadisu ay khusaayso asxaabtiisa wasiirada ee xilka iska casishay inaanu meelna uga hadhayn, waxa kale oo la filayaa in sacadaha soo socda Safiirka Somaliland u Fadhiya Uk Emsadoor Cali Adan Cawaale uu ku dhawaaqo iscasilaadiisa.
Alaa Mahad leh
xafiiska qurbejoog/Sacudia Arabia